Rabbow ifka noogu door,
Dadaalkana noo rumee,
Rabbow dambe noo ogow,
Wixii tegey duudsi yeel,
Rabbow dunidaada weyn,
Dabeylo fiyow ku xeer,
Intii dulin baas dhex taal,
Rabbow diga-xaadh ku fiiq,
Rabbow magac dawladeed,
Intaan dugsaneyn yiqiin(diin),
Rabbow dumi waa hungee,
Dastuurrada baadilka ah,
Intaan xaqa daafaceyn,
Ka
reeb dambas waab dhex yaal.
Tixdani waxa ay ka mid tahay
gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame(Hadraawi) sannadkii 2004tii,
isaga oo guhaamaya ama habaaraya Dastuurrada wadciga ama dad sameega ah iyo
nidaamyada dawaaqiidda ah, reer Galbeedkuna dabada ka riixayaan, diinta Alle
iyo Muslimiintana lagula daggaallamayo, gaalo raacyana afka loogu soo tiray. Dad badan
oo waaweyn markii laga eego xagga da’da iyo jirkaba ayaa habeen iyo dharaar
waxa ay goloyaasha la soo taagan yihiin in ay Dimuqraadiyad iyo fasahaad
doonayaan xalna u arkaan, iyaga oo barkood raalli gelin ka dalbayaan gaalada,
barka kalena ay danahooda adduunyo iyo wixii ay dhuunta marin lahaayeen ka
arkaan in diin la’aan iyo Dimuqraadiyad ay meesha ku maamulaan ama lagu
maamulo.
Guud ahaan Dimuqraadiyadda(democracy),oo ah fawdo iyo dulmi lagula kacayo amarkii Alle(swt), waayo Dimuqraadiyaddu
waxa weeye in dadku ay amarka iyo xukunka iyagu leeyihiin, oo aan cid kale
amarka iyo xukunka lahayn, waana laba erey oo afka Giriigga ah, la iskuna
xiray, kala aha Demo oo la mid ah Dadka iyo Cracy oo iyana la mid
ah Xukun(People+Rule). Taasi waa mid ka soo horjeedda hadalkii Alle ee
ahaa ”Miyaan abuurka iyo amarkaba Alle lahayn”. Waana mid muujinaysa in
awooddii Alle oo ahayd in uu isagu dunidan abuuray laga faramaroojiyey amarkiisii,laguna wareejiyey dadkii uu Alle
abuuray. Haddii aad weydiiso qof kasta oo bani’aadam ah in wixii uu isagu xaqa
u lahaa, oo hantidiisa ahayd in cid kale lagu wareejiyo, waxa uu markiiba
dareemayaa ama arkayaa in dulmi lagu sameeyey wixii uu xaqa u lahaana laga
duudsiyey, cid kalena lagu wareejiyey.
Tusaale
ahaan qorayaasha wax qora ama khuburada waxa soo saara ama hal-abuurka sameeya haddii
laga wareejiyo shaygii ay soo saareen oo ay hal-abuurkiisa lahaayeen ama
buugaagtii ay qoreen, waxa ay maxkamad ama dacwo la tiigsanayaan ciddii xadday
xuquuqdii ay iyagu lahaayeen ama ay hal-abuureen. Qof kasta oo caqli lagu
tuhmayo, waa dareemi karaa in aan cidina xaqeeda cid kale u oggolaaneyn,
laakiinse waxa caqliga bani’aadamku garan la yahay, marka laga reebo in yar oo
Alle(swt) u naxariistay mooyee in xaqa Alle(swt) cid kale loo wareejiyo, taas
oo ah amarkii Alle oo dadkii uu Alle abuurtay loo wareejiyey, taas oo ah mid
dulmi ku dhisan.
Waxa
waayadan dambe soo shaax baxay qolyo badan oo Muslimiin ah, rabana in ay
Khaliifada Islaamka ku soo celiyaan adeegsiga Dimuqraadiyadda, iyaga oo iska
indha tiraya xaqiiqda jirta, taas oo ah in Dimuqraadiyaddu tahay mabaa’dii iyo
diin leh xujooyin iyo arrimo lagu soo galo ama lagaga baxo, sida diintuba u
leedahay xujooyin iyo amarro lagaga baxo, oo qofku uu raaddi noqonayo, mid
diinta ka baxayna noqonayo. Reer Galbeedka sameystay mabaa’diidaan
Dimuqraadiyadda ayaa mararka qaarkood la yaabban dad Muslimiin sheeganaya,
haddana Dimuqraadiyadda doonaya in ay xukun ku raadiyaan, waayo waxa ay ogsoon
yihiin in aan Dimuqraadiyad iyo wax diin la yiraahdo isu imaan karin. Qolyo
badan oo reer Galbeedka ah ayaa aaminsan in Dimuqraadiyadda la kharribay, dad
badan oo aan istaahilin ay adeegsadaan, kuwaas oo ay ula jeedaan dadka
Muslimiinta sheeganaya ee marin-habowsan, waxa ayna soo saareen nidaam cusub oo
ay doonayaan in ay wakhtiyada dhow hir-geliyaan.
Qorshahaasi
waxa uu yahay in dadka caalamka u taliyaan ay ahaadaan dad la yaqaan asalkooda,
dhaqaale ahaanna sarreeya, hay’ado la yaqaanna ka shaqeeya, hawo iyo cid aan la
arkayna aan rummeysnayn, taas oo ay ula jeedaan dadka gaalada ah ee reer
Galbeedka ah, Allena aan rumeysneyn, waxa ayna u beddeleen aragtidii
Dimuqraadiyadda aragti kale oo la yiraahdo ”Geniocracy” oo ah ’Government of
the people for the people by the Geniuses’’ ’Genio’ oo la mid ah Caqli iyo ’Cracy’
oo iyana ah Xukun, taas oo la doonaya in dunida mar kale lagu maran habaabiyo,
qolyaha Muslimiinta marin-habowsanna lagu dareensiiyo in aysan geyin
Dimuqraadiyadda, habowna yihiin.
Gabagabadii
qoraalkan yar waxa aan ku soo kufinyaa in aan Dimuqraadiyadda dadka Muslimiinta
ah loogu tala gelin, laguna marin habaabinayo, diintoodana lagaga fasahaadiyo, qolyaha
calanka u lulayana yihiin kuwo qardajeex ku jira, nidaam ay soo celin karaana
uusan muuqan, waxaana tusaale idinkugu filan waxa Ikhwaankii Masar, kuwa Xamaas
iyo Aljeeriyaba ku dhacay muddo labaatan(20) sano gudahood ah, waayo
khaladaadka ay Dimuqraadiyadda ka fahmeen ayaa u horseeday waxa maanta ku
dhacaya, mana aha weli kuwo ku quus qaatay dharbaaxooyinka, sida Rasuulku(csw) uu
sheegay ”qofka Muslimka ah laba jeer god lagama wada qaniino”.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)