Labo Dhurwaa iyo Sedax Dawoco Oo Isku Heysta Magaalada Baardheere!! Warbixin.

Sunday July 26, 2015 - 13:07:44
Super Admin
Magaalada Baardheere oo ahayad halka magaalo ee ugu dhaqdhaqaaqa fiican gobolka Gedo ayaa usbuucii lasoo dhaafay gashay gacanta cadawga, kadib markii uu xeelad dagaal uga baxay maamulkii islaamiga ahaa shacabkuna isaga barakaceen.


Duullaanada lagu qaaday Baardheere iyo Diinsoor waxay ahaayeen kuwa indha la’aan ah oo dhaqaale looga raadinayo madaxweynaha Mareykanka, taasi oo keentay in libinta qabsashadeeda ay qolaba gooni isug kali yeesho.

Inkastoo Diyuuradaha dagaalka Mareykanka ay hormuud u ahaayeen duullaanka Afrikaanta calooshood u shaqeystayaasha ah, haddana waxaa si cad usoo baxay qorsha la’aanta weerarkooda.

Hardanka ugu xooggan ayaa haatan ka dhex jira Kenya iyo Itoobiya oo ka dhigan labo dhurwaa oo u xusul duubaya cad ay cunaan iyo dhiig ay jiqaan.

Warbaahinta Xabashida Itoobiya waxay shacabkooda Nasaarada ah ugu hambalyaysay qabsashada Baardheere, halka saraakiisha Kenyana baahiyeen hadallo ay ku muujinayaan in ay ciidankoodu hor galeen magaalada oo guusha ugu weyn ay iyagu leeyihiin.

Labada Dhurwaa ayaa ku muransan habka iyo cidda laga dhigay maamulka magaalada, sidaasi waxaa inoo xaqiijiyay sarkaal Soomaali ah oo ku sugan Garbahaayrey, kaasi oo sababo ammaan u qariyay magaciisa.

Itoobiyaanka ayaa ku andacoonaya in ay gar u leeyihiin sameynta maamulka iyagoo qiil ka dhiganaya in askar badan laga dilay, gaadiidna laga gubay mudadii uu dagaalku socday.

Sidoo kale Kenyaatiga ayaa iyaguna ku doodaya in la gaarsiiyay khasaare badan kadib markii weeraro aan kala go’lahayn ay kala kulmeen askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, mudadii ay duullaanka kusoo ahaayeen Baardheere.

Lama oga sida uu noqon doono xaalka labadan Dhurwaa,Laakin arrinta kale ee xusidda mudan ayaa waxay tahay in ay jiraan koox dawoco ah oo iyaguna ku tartamaya luf-lufka Waraabaha.

Kooxahaas aan dawacada la meel dhignay waxay ku dhax rafanayaan raqda laba dhurwaa ay disheen iyagoo warbaahinta ka qeylinaya.

Kooxahan oo kala ah DF-ka, maamlka Axmad Madoobe iyo Malleyshiyada tirada yar ee suufiyadda ah, ayaa qabsashada Baardheere kadib billaabay hadallo uu mid waliba ku sheeganayo in isaga loo qabtay.

Tusaale ahaan waxaa DF-ka u hadlay xubno uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhigga oo iska dhigaya in ciidan uu isagu leeyahay u qabteen magaalada, sidoo kalana ammaanaya Xabashida,Dhanka Axmad Madoobe waxaa u hadlayay Fartaag oo aad isku xijinayay Kenyaatiga.

Markii ay duullaanka billaabayeen shisheeyaha iyo daba dhilifyadooda, waxay u muuqdeen kuwa wada jira oo isku hadaf ah, laakin waxaa soo baxday in ay kala tagsan yihiin oo uu mid walbaahi leeyahay maslaxad u gaar ah. Halkaasna waxaa ku dhaboobay qowlka Allaah. (تحسبهم جميعا وقلوبهم شتى).

Baardheere oo muddo 7 sanadood ah sharciga islaamka lagu maamulayay shaki kuma jiro in mar uun ay sharafkeeda dib ugasoo ceshan doonto dugaagta dulliga ah,haba yaraatee majirto cid aan shabaabul Mujaahidiin aheyn oo kaalin ku leh difaaca diinka iyo dalka marka laga reebo dad muxsiniin soomaali ah oo halganka taageero dhan walba ah siiya.

Liiban Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items

Update cookies preferences