Sawirro:Zaahidkii Mujaahidka ahaa Mulla Cumar Hantidaan Ayuu Adduunka Uga Tegay.

Sunday August 02, 2015 - 11:20:33
25222
Super Admin
Maalmo ka hor waxaa lagu dhawaaqay geeriday Sheekh Mulla Maxamed Cumar Hoggaamiyihii Xarakada Islaamiga Taliban ee wadanka Afghanistan,Mulla ayaa ahaa hogaamiye mujaahid ah oo muddo sanada ah usha u hayay imaaradii Islaamiga aheyd ee Afghanistan ka istaagtay sanaddii 1996.


Mulla Max’med Cumar wuxuu ahaa caalim geesi ah oo waqti adag kasoo gudbiyay muslimiinta Afghanistan wuxuu leeyahay taariikh dahabi ah waxaana mawaaqiftiisi ka mid aheyd in caalamka oo idil uu ka diiday in sheekh Osama Bin Laden iyo hoggaamiyaashii mujaahidiinta Al Qaacidda uu ugacan geliyo Mareykanka iyo xulufadiisa taasina wuxuu ka door biday maamulkiisi Afghanistan oo idil maamulayay.

Allaha unaxariistee Sheekh Mulla Max’med Cumar wuxuu ahaa zaahid aan nolosha adduunka iyo dhal-dhalaalkeeda  ku rataxtagin.
Isagoo Madaxweyne ka ah Afghanistan malahayn qasri madaxtooyo hanti badan oo khaas u ah iyo guryo dhal-dhalaalaya.

Warbaahinta ku hadasha afka Taliban ayaa soo bandhigtay hantida kaliya ee uu sheekh Mulla addunka uga tegay waana sariir dhooba ka sameysan,guri yar oo cariish ah sanduuq iyo kitaabo!!.
Embedded image permalink
Embedded image permalink
Mulla oo gaari ku dhax wata Afghanistan 1999

Waa kaas hoggaamiyaha saxda ah ee muslimiintu leeyihiin ma ahan sida kuwa madaxweynayaasha muslimiinta sheegta ee hantidii umadda kula saaxibay Mareykanka isalamarkaana tuugaysiga caanka ku ah.

Related Items

Update cookies preferences