Sawiro+Codad: Munaasabad Lagu Abaal Marinayay Odayaasha Sh/hoose Oo Baraawe Ka Dhacday.

Wednesday June 11, 2014 - 21:08:57
12026
Super Admin
Degmada Baraawe waxaa shalay galab ka dhacday munaasabad abaal marnno lagu gudoon siinayay odayaasha dhaqanka Sh/hoose, taasoo uu soo qabanqaabiyay maktabka diiwaanka Zakawaadka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Degmada Baraawe waxaa shalay galab ka dhacday munaasabad abaal marnno lagu gudoon siinayay odayaasha dhaqanka Sh/hoose, taasoo uu soo qabanqaabiyay maktabka diiwaanka Zakawaadka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Munaasbadda ayaa waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin uu kamid yahay waaliga gobolka Sh/Maxamad Abuu Cabdalla, qaar kamid ah culimada diinta islaamka, odayaasha muteystay abaal marinta iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa hadallo ka jeediyay waaliga Sh/hoose Sh/Maxamad Abuu Cabdalla oo faah faahiyay munaasabadda, wuxuu sheegay in ujeedadu tahay in la abaal mariyo odayaasha ugu firfircoon gobolka ee bulshada iyo qabaa’ilada ay hogaamiyaan ku tartan siiyay bixinta Zakada iyo acmaasha kale ee kheyrka ah.

Odayaasha ayaa munaasabadda lagu gudoonsiiyay kitaabka Qur’aanka kariimka, Calanka towxiidka, lacago iyo wax yaabo kale oo ay dhankooda ka mahad celiyeen.

Sh/ Xassan Maxmuud Takar oo xaadir ahaa xafladda ayaa odayaasha ku booriyay iney sharciga islaamka ku hogaamiyaan qabaa’iladooda kana ilaaliyaan wax walba oo seejinaya aakhiradooda iyo aduunyadooda intaba.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa munaasabadda ka ballan qaaday iney sii laba jibaarayaan kaalintooda kaga aadan jihaadka iyo baraarujinta shacabka.

Mas’uulka Maktabka Diiwaanka Zakawaadka ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay ol’ole lagu abaal marinayo odayaasha ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah ee sida weyn uga qeyb qaata dacwada iyo in shacabka lagu booriyo waajibaadka Allaah, Munaasabado lagu abaal marinayo odayaasha ayaa ka dhacay qaar kamid ah gobolada iyadoo qaar kalana harsan yihiin.

Halkan ka dhageyso Sh.Abuu Cabdalla.MP3

Halkan ka dhageyso Sheekh Xasan Takar MP3

Halkan ka dhageyso Odayaasha Sh/Hoose MP3

somalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.netsomalimemo.net
somalimemo.net

Xigashao:Idaacadda Alfurqaan


Related Items

Update cookies preferences