Kuwa Sii Cararaya..Shalay AMISOM, Maantana Itoobiya!! WQ/Suldaan Cabdul Majiid.

Monday October 31, 2016 - 17:37:03
Super Admin
Todobaadyadii la soo dhaafay waxaan aragnay dib u garasho lama filaan ah oo ciidamada Itoobiya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmooyinkii iyo deegaanadii ay duulaanka ku soo galeen ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka dib muddo sanado ah oo ay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaga jireen halkaas.

Deegaanadan waxaa ka mid ah Galcad, Bud-bud, Moqakori, Ceel-Cali, Halgan, Tiyeegloow, Mubaax iyo Aadan Yabaal.

Go’aankan waxa uu ahaa mid lama filaan ah oo ka fajaciyey saaxiibada Itoobiya sida AMISOM iyo DF, Waxaana laga bixiyey warcelino iyo falanqeyn kala duwan.

Dadka qaar ayaa talaabadan ku micneeyey in Itoobiya ay soo taabatay darbigii ugu dambeeyey, ayna bixisay tabar wixii ay heysay markii zaxfiga duulaankeeda uu gaaray cirifka fog ee bariga Galgaduud, balse hadana ay awoodi weysay in ay soo gabagabeyso ama ugu yaraan ay wiiqdo Awoodda Al-Shabaab. Dad kale ayaa arintan ku tilmaamay dhibaato dhanka dhaqaalaha ah oo soo food saartay dowladaha Afrikaanta iyo deeq bixiyeyaashooda, halka kuwa kalena ay ku sheegeen qorshe xiriir la leh rabshadaha iyo kacdoonada ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Weerarkii Halgan June, 2016

Horaantii bishii June ee sanadkan waxay Al-Shabaab weerar balaaran oo lagu hoobtay ku qaaday saldhiggii ciidamada Itoobiya ee Halgan, halkaas oo lagu dilay ku dhawaad 80 ka tirsan ciidamada xabashida.

Weerarkaas iyo dhaq-dhaqaaqyo xoogleh oo Xarakada Al-Shabaab ay ka sameysay gobolada dhexe ayaa itoobiya ku qasbay in ay dib u eegis ku sameyso qorshaheeda military, ayna dib kaga fikirto masiirka ciidamadooda ku kala daadsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud maadama la iqtixaamay mid ka mid ah saldhigyadii ugu waaweynaa ee ciidankooda.

Casharka ugu muhiimsan ee ciidamada Afrikaanta ay ka barteen weeraradii lagu qaaday xeryahooda sida Leego, Jannaale, Ceel-Cadde iyo Halgan wuxuu ahaa in ay isku soo uruuriyeen awoodda kala tagsan ee ciidankooda, ayna dib kaga soo gurteen meelaha tira ahaan ciidankooda uu ku yaraa, iyagoona Al-Shabaab u ogolaaday in ay dib ula wareegto deegaano badan oo ay isaga baxeen ka dib weeraradaas.

Warcelinta Dowladda Itoobiya.

Waziirka warfaafinta Itoobiya ayaa xaqiijiyey in kumanaan ciidankooda ah laga soo saaray Soomaaliya, wuxuuna xusay in dowladiisa ay qaadatay go’aan ay Soomaaliya kaga soo saareyso ciidamadooda aanan u xisaabsaneen Isbaheysiga AMISOM ee sida madax-banaan kaga howlgala qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Waziirkan ayaa sababta ku tilmaamay duruuf dhanka dhaqaalaha ah oo soo wajahday dowladiisa maadama iyada oo kaliya ay bixin jirtay dhaqaalaha, zaadka iyo hubka ku baxaya ciidamada aanan diiwaanka ugu jirin isbaheysiga AMISOM.

Wuxuu gabi ahaanba inkiray in arintan ay xiriir la leedahay kacdoonada iyo xaaladda deg deg ah ee la geliyey wadankooda.

Ugu yaraan 15,000 ilaa 20,000 oo askari ayaa lagu tilmaamaa ciidamada Itoobiya ee ka madax banaan AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, Waxaana howlgalka AMISOM kaga jira ilaa 4,000 oo askari oo kaliya.

AMISOM

Itoobiya waxay sheegtay in ciidamadooda ku jira isbaheysiga AMISOM ay sii joogi doonaa Soomaaliya, ayna ka hoos dagaalami doonaan taliska midowga Africa balse waxay sheegtay in talaabadan ay tahay mid lagu soo daad-gureynayo kuwa aan u tirsaneen AMISOM.

Sidaas si la mid ah taliska AMISOM, wuxuu isna sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa markii horeba danahooda u joogay Soomaaliya oo aanan u xisaabsaneen isbaheysigooda, Islamarkaana Itoobiya ay u madaxbanaan tahay danaheeda gaarka ah sida uu sheegay afhayeenka AMISOM, Lt. Col. Joe Kibet Murrey.

Markii ciidamada gumeysiga Itoobiya ay soo galayeen magaalooyinka iyo deegaanada aan kor ku soo xusnay, ma jirin cid ka tirsan taliska Afrikaanta ama hogaanka DF oo sheegay in ciidamadaas ay ka madax banaan yihiin AMISOM, Islamarkaana ay wataan danahooda gaarka ah, balse taasi badalkeed waxaaba loo gelinayey Shaatiga AMISOM si loogu xalaaleeyo dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Tusaale ahaan degmada Tiyeegloow -oo hadda la leeyahay waxaa joogay ciidamo ka madax banaan AMISOM- waxay ciidamada Itoobiya soo galeen dhamaadkii bishii August ee sanadkii 2014-ka, Waxaana Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay midowga Africa lagu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay degmadaas ‘ka xureeyeen’ Al-Shabaab, Islamarkaana weerarka lagu qabsaday degmadaas uu qeyb ka ahaa howlgalkii ay xilligaas ugu magacdareen Badweynta Hindiya.

Halkaan hoose  Ka Eeg Bayaan AMISOM ee Tiyeegloow.



Laakiin markii loo xalaaleeyey hantida, dhiigga iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, ayna gobalka Bakool ka geysteen tacadiyadii iyo xasuuqyadii ugu xumaa ayaa hadda waxay leeyihiin ma ahan ciidamo u xisaabsan AMISOM ama danahooda ayey u joogeen Soomaaliya!!.



Dilalkii, barakicintii iyo gaboodfaladii xanuunka badnaa ee ay ciidamada Itoobiya ka geysteen Bakool sanadihii 2014 ilaa 2015 waxay ku kaceen iyagoo huwan shaatiga AMISOM, islamarkaana xambaarsan calankooda, waxaana marwaliba xadgudubyadaas iyo tacadiyadaas xanuunka badan difaacayey oo howlgal military ku tilmaamayey Taliska AMISOM.

Hiiraan & Galgaduud.


Sidaas si la mid ah dhacdadii xanuunka badneed ee bishii August ee sanadkii 2015-ka ka dhacday degmada Halgan waxay ka mid ahayd goboodfalada aanan la iloowin ee ciidamada Itoobiya ay kula kaceen shacabka Muslimka ah iyagoo ku gabanaya boorka isbaheysiga isku magacaabay AMISOM.

Maalin uun ka dib markii ay qabsadeen Halgan, waxay ciidamada Itoobiya si bareer ah rasaas ugu fureen gaari Homey ah oo ay la socdeen dad Rakaab ah oo u socday tacsi, Iyagoona halkaas ku dilay ugu yaraan 7 qofood oo ka mid ahaa rakaabkii gaariga, tiro kalena dhaawacay.

Ciidamadaas markii ay ka baxeen degmada Halgan waxaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka madax banaan AMISOM si la mid ah Tiyeegloow oo kale laakiin markii ay soo galayeen degmadaas waxaa howlgalkooda ku faanay AMISOM. Sidaas si la mid ah dagaalkii bishii June ee sanadkan ka dhacay halkaas waxay AMISOM ku tilmaantay dagaal dhexmaray Iyaga iyo Xarakada Al-Shabaab.

Intaas waxaa sii dheer in ku simaha Abaanduulaha ciidamada AMISOM Nakibus Lakara uu bartamihii sanadkan booqday degmada Halgan si uu u soo dhiirageliyo ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa, wuxuuna ku tilmaamay ciidamo ka tirsan AMISOM.

Nakibus Lakara, Ku simaha Abaanduulaha ciidamada AMISOM oo jooga Halgan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in taliska AMISOM uu ciidamada Itoobiya ku faanayey markii ay qabsanayeen deegaanada Bud-bud iyo Galcad ee wilaayada Galgaduud, Iyagoo ciidamadii huwanta ahaa ee halkaas qabsadayna ku tilmaamay AMISOM iyo DF.





 Waa War rasmi ah oo Markii Itoobiyaanku qabsaday Galcad ay AMISOM ku Daabacday Barteeda Twitter-ka

Sidoo kale ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Moqokori iyo Maxaas waxay ahaayeen AMISOM.






Waxaa isweydiin mudan sababta ciidamadan loo xisaabsan jiray xilligii ay wadeen calanka guusha balse shaatiga AMISOM looga siibay markii ay jabeen!!

Xaqiiqdu waxay tahay in tiir ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee isbaheysigaas uu jabay, uuna dib u gurasho ka sameeyey dhul balaaran balse AMISOM ay isku dayeyso in ay qafiifiso burburka iyo jabka intaas la eg ee isbaheysigooda ku habsaday

Talaabada ay qaadatay Itoobiya iyo dhaq-dhaqaaqyada dib u gurashada ah ee ay wado wuxuu dowladaha Djibouti, Burundi iyo Uganda ku qasbayaa in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshahooda, ayna isku diyaariyaan ka bixitaanka meelo badan oo lagu cidlaayey ama ay buuxiyaan Aagagga ku soo furmay ka dibna saldhigyadooda ku sugaan dharbaaxooyinka lama filaanka ah ee Xarakada Al-Shabaab.


WQ/Suldaan Cabdul Majiid

Related Items

Update cookies preferences