Wixii Uu Siyaad Barre Ku Laayay Culimadii Soomaaliyeed Miyaan Ka Qaadanaa Farmaajo? W/Q Hilaal Colaad.

Saturday April 08, 2017 - 19:40:12
Super Admin
farmaajo ayaa umadax raariciyay ciidamada Kenya
farmaajo ayaa umadax raariciyay ciidamada Kenya
Sannadkii 1975, waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu dilay 10 kamid ah culimadii rabbaaniyiinta ee wadanka, kadib markii ay kasoo hor jeesteen xeer ay gaalo keentay oo dhigayay in ragga iyo dumarku siman yihiin iyo arrimo kale oo xad gudub ku ah diinta islaamka, kuwaas oo uu afkiisa kaga dhawaaqay Max'med Siyaad Barre Madaxweynihii dowladdii Kacaanka.


Subaxnimo Khamiis ah oo ay bisha Muxarram aheyd 11, sanadkii 1395-tii, kuna beegnayd 23-kii January 1975-tii miilaadiyada, ayaa waxaa Idaacadda Radio Muqdisho laga sii daayey war aad u fool xumo badan oo sidan ahaa:- "Sida ay sheegayso wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, waxaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey 10-kii qof ee ay maxkamadda badbaadada qaranku ku xukuntay dilka, waxaana lagu toogtay oo dilkaasi lagu fuliyey garoon u dhow dugsiga booliska ee ku yaala xeebta badda, waxayna magacyada culimadii la toogtay kala yihiin sida tan:-

Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, Sheekh Muuse Yuusuf, Sheekh Axmed Iimaan, Cali Xassan Warsame, Xassan Ciise Iley, Maxamed Siyaad Xirsi, Cali Jaamac Xirsi, Aadan Cali Xirsi, Saleebaan Jaamac Maxamed iyo Yaasiin Cilmi Cawil.

Haddaba wixii maalintaa ka dambeeyay, waxay ummada Soomaaliyeed lugaha la gashay dhibaatooyin iyo burbur dhan walba u saameeyay, waxaana ugu wacan in dadku badi ay u sacba tumeen Siyaad Barre oo ay waliba ku amaaneen laynta culimada, halka intii soo harayna aysan u hiillin diinta Allaah iyo ehelkeeda ee sidaa loogu xad gudbay.

Sida aan la socono, wuxuu Allaah nagu salliday dagaallo dhexdeena ah, gaajo iyo caga-barar, hogaamiye kooxeedyo daalimiin ah, qax iyo barakac, cudurro, gaalo duullaan ah iyo abaaro joogto ah oo illaa iyo maanta taagan.

Walaalayaal, ma waxaan ka aamin nahay inuu Allaah ina wada halaago, haddii aan ku qanacno ama aan iska daawano wax ka xun wixii shalay lagu laayay culimadeennii? Macquul ma tahay in annagoo muslimiin ah uu Farmaajo nagu dhaqo dastuur gaalo soo qortay oo ay waliba ku jiraan qodobadii xeerka qoyska?

Haddaan tusaale usoo qaadano dastuurka DF-ka, waxaa kamid ah, qodobka loogu magaca daray Sarreynta dastuurka, oo u dhigan sidan:-

1. Dastuurka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isagan ayeyna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha dawladda oo dhan.

Haddaba halkii ay Qur’aanka iyo suunadu ahaayeen sharciga ugu sarreeya dadka muslimiinta, miyaan ku raali noqonaa inuu ka sara maro dastuurka DF-ka?

Sidoo kale waxaa ku jira qodobka loogu magac daray Mabaadi’da Asaasiga, oo isna oranaya sida tan:-

4. Haweenku waa in ay ka mid noqdaan dhammaan hay’adaha guud ee qaranka, gaar ahaan jagooyinka laysu doorto iyo kuwa laysu magacaabo ee saddexda laamood ee dawladda, Guddiyada iyo Xafiisyada Madaxbannaan ee Qaranka.

Qodobkan wuxuu kamid yahay wax yaabihii culimada lagu laayay, sababtoo ah wuxuu jideynayaa in haweenka madaxweyne loo dooran karo, maadaama uu sheegayo iney kamid noqon karaan jagooyinka la isku doorto iyo kuwa la isku magacaabo.

Intaa waxa dheer oo dastuurka ku qoran qodobka la yiraahdo Sinnaanta, kaasoo isna oranaya sidan:-

1-Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafanimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa.

Qdobkan, wuxuu kamid yahay kuwa ugu sii halista badan, wuxuu jideynayaa in qofka gaalka ah iyo kan muslimkiihi ay siman yihiin.
"أَفَنَجْعَلُ الْمُسْلِمِينَ كَالْمُجْرِمِينَ. مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ"

Waxa kale oo ay DF-ka , ku saf tahay ciidamada shisheeye ee soo duulay, iyadoo aan og-nahay inuu Allaah gaalnimo ku xukumay qofkii gaalo ku jaal noqda.

Ugu dambeyntii walaalayaal, annagoo og dhibaatada aan ka dhaxalnay culimadii uu laayay Siyaad Barre, miyaan maanta ku raali noqonaa diin la’aanta uu Farmaajo inoo wado? Badbaadadeena adduunyo iyo teena aakhiro waxay ku jirtaa annagoo diidna qawaaniinta shisheeyaha, kuna dhaqanna Kitaabka iyo Sunnada.

﴾ فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِنْ بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَى لا انفِصَامَ لَهَا ﴿

W/Q  Hilaal Colaad Toosane

FG: Fikradda Maqaalka waxay u gaartahay Qoraaga
SomaliMeMo looma tiirin karo

Related Items

Update cookies preferences