Caruurteena Mustaqbalka sideen kaga xureynaa, kuwa Galbeedka Ee loo diyaarinayo in Ay Gumestaan? W/Q Mahad Cagalaab.

Monday August 07, 2017 - 08:36:04
Super Admin
Noolaha alle abuuray waxa ay ka siman yihiin fitro ama Qiiro ah wax iska celin, tusaale dugaaga ama duur joogta sida libaax dawaco iyo waraabe hadaad iska hortimadaan waxaa surta gal ah inuu kaa cararo laakin markaad dhashiisa (canugiisa) Taabato waad hardameydaan sahalna ku kala biximeydaan.


Hadaba Aadamuhu taa wuu kasii daran yahay, oo waxaa u dheeriya Qabweynin, inuu asigu wax maamulu sidoo kalana aanan loo talin yacnii la amrin, waana sababta keentay in dunidatan dhiig badani ku daato.

Hadaba dunida galbeed waxay dhowrkii Qarni ee u dambeeyay maamulayeen dunida qeybteeda Bari, hadeynu nahay soomaali waxaynu qeyb ka nahay Dunida qeybteeda dulman waxaa inoosii dheer Addoomadii galbeedka in ay nagu amar taagleeyaan.

Ciidanka ugu fiican ee mustaqbalka lagu dagaalama waa carruurta hubka ugu fiican'na waa waa Mabda'a Rasmiya oo moraal loo haayo,
Reer galbeedku waxa ay diyaarinayaan caruurtoodi badeli leheed sida iyaga Awowe'yaashood usoo diyaariyeen.

Hadaba siyaasada diplomatic ee wada hadalka ku saleysan ma looga bixi karaa dhibka lagujiro ani waxaan leeyahay maya, waxana usababeyay
sayidku ma xoreeyo Addoon berri asiga awooda kula loolami doona.

Sidoo kale waxaan macquul eheen ninki shalay Aabahaa dillay inuu Adiga ku Barbaariyo,
dunida waxaa wadahadal xal ku gaari kara labo Awood oo kala baqaya, sidoo kale mawada hadli karaan laba nin oo mid kamida gurigiisa, carruurtiisa iyo xaaskiisi xoog lagu heesto.

Tusaale America iyo Russia wada hadal xal waa ku gaari karaan laakin Filasdiin xal kagama gaari karto dhibaatada Yahuuddu ku heyso, waana sababta keentay in Filasdiin  69 sano rafaad ku jirto sanadkasta heshiis saxiixdo looguna bedelo in dhul horleh laga sii qabsado.

Somalia waa lamid, waxaynu ku shaqeynaa siyaasadda addoon-nimada, wax kasta iyaga ayaan ula noqonaa, waxaan amin'sanahay haddaan hal shey ku diidno reer galbeed in dunidu nala rogmaan, misena waxaan ku doodnaa inaan horumar gaareyno oo dunida inteeda kale la tartameyno, laakin waxaan hilmaamnay in sayidku Addoonkisa xornimo usiineyn si uu berri kula loolamo maamulka.

In maskaxdeenu sidaa umadoobaato waxaa sababay cirbad suna oo inoogula daray tacliinta iyo cilmiga aynu ka barano galbeedka, waa midda na hilmaamsiisay in awoowgeen Ahmed Gureey maamulkiisi uu boqolaal mile xagga u dhaafay Fini'fini oo hadda loo yaqaan Addis Ababa, waatan maanta keentay inaan wax ka sugno ninkii 1948 dhulkii howt ama SomaliGalbeed ku wareejiyay Itoobiya, 1964 NFD Kenya ninkii 21 sano la dagaalamayay Halgamaa sayid mohamed, geeridiisi kadibna amray in gabayadiisi lagubo si aysan jiilka berri aanan looga sheekeyn.


SIDEEN U DIYAARINAA CARUUR HOR  ISTAAGI KARA KUWA GALBEED BERITO

Miyaan u bahan nahay hub badan? Maya

Miyaan u bahan nahay dad badan? Maya

1)-Waa in caruurteena aan ka ilaalinaa mabaadi'da Galbeedka ee maskaxda ka dillaya, una horseediya inay Addooma u noqdaan.

2)-In caruurteena la baro, in ay heestaan fure lagu maamuli karo 7 billion oo ruux iyo dheraad

Kaa oo ah kitaabka iyo Sunadda, una cuntamin inuu gorgortan la galo nin wata fure loogu tala galay in lagu maamulo qowmiyad ama dhowr boqol oo million.

3)-In caruurteena labaro tariikhdoda halka aan tan galbeedka u meerin leheen waayo iyaguba teena sooma hadal qadaan.

4)-In labaro macaariktii inaga iyo galbeedka na dhex martay iyo sababti aan ku gaarnay Spain, Portugal iyo qeyba kamida Francis'ka iyo sababti ay inoogu dhacday inan manta herkan joogno.

5)-Sidoo kale waa in cilmiga science-ka laga qataa Wixii la dabaqi karo lagana tagaa theory'ga

6)-Inaan caruurta lagu adkeyn magacayada reer galbeedka ee soo iqtiraacay cilmiga iyada oo la xaqireyn. sababtoo ah  galbeedku waxay in badan oo kamida cilmiga science ka qateen library ama maktabadii andalusia, waxayna iska tireen in badan oo science yahanadii muslimiinta kamida si aanan islaamka wax cilmiga ku nasab sheegta loo helin.

Hadaba waxaynu ubahanahay inaan hadda caruurteena diyaarino si aysan ugu dhicin taariikh xumada inaga nagu dhacday.

W/Q  Mahad Cagalaab

Related Items

Update cookies preferences