Ciidamadii Bariire Lagu Laayay Maxay U Dhinteen Yaase Meesah Keensaday? W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Monday October 02, 2017 - 10:58:05
Super Admin
Sawir Hore Ciidamo katirsan DF-ka oo dhaawac wata
Sawir Hore Ciidamo katirsan DF-ka oo dhaawac wata
01-10-2017, xilli ay soo dhowdahay salaadda fajarka waxay ciidamada milatariga Xarakada Al-Shabaab weerar ku qaadeen labo saldhig oo ku sugnaayeen ciidamo Soomaali ah oo ka amar qaadanayay taliska Mareykanka ee Balli-doogle.


Sida aan xogta ku halayo waxay haatan dhimashada askartan ku dhowdahay 100, halka kuwii dhaawacmay qaarkood lagu dabiibayo isbitaalo ku yaalla magaalada Muqdisho.

 Dhab ahaantii waxaa askartaasi gaaray jab culus oo aaney kasoo waaqsan, waxaana ay saraakiisha DF qaarkood aaminsan yihiin in la khalday askartan oo af-libaax lagu riday, laakin waxay xaqiiqadu tahay inaan la khaldin balse ay iyagu khiyaarkooda ku doorteen wixii soo gaaray.

MAXAY U DHINTEEN ASKARTAASI TIRADA BADAN?.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage wuxuu sheegay in askartan ay si khaas ah ugu shaqeynayeen Mareykanka, ujeedada loo laayayna ay tahay in loo aar gudayay dadkii maatida ahaa ee lagu laayay isla degaanka Bariire.

Ciidamadan ayaa waxaa intooda badan tababartay dowladda Mareykanka isaga ayaana soo siiyay hubkii iyo gaadiidkii tirada badnaa ee laga furtay, ujeedaduna waxay ahayd inuu ku ugaarsado oo uu dadka muslimiinta u adeegsado.

Marka lasoo koobo murtida hadalka, waxay ciidamadan u dhinteen iyagoo u taagan difaaca danaha Mareykanka, waxay mustaqbalkooda iyo noloshooda ku waayeen sii ay kor u noqon lahayd kalimadda Mareykanka, halka kuwii soo weeraray ay u dagaalamayeen sidii ay kor u noqon lahayn kalimadda Allaah, sida ka muuqatay calanka ay siteen.

DIINTU MAXAY KA QABYAA IN LAGU SAF NOQDO GAALDA?.

Diinta islaamku wey xaaraantimeysay in lagu jaal noqdo gaalada islamarkaana lala dagaalamo Muslimiinta, waana mas'alo ijmaac ah oo hoosta ka xariiqaysa in qofkii arrintaasi sameeya uu diinta ka baxayo.

 

قال تعالى: بشر المنافقين بأن لهم عذابا أليما . الذين يتخذون الكافرين أولياء من دون المؤمنين أيبتغون عندهم العزة فإن العزة لله جميعا

Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu cadaab daran ugu bishaareeyay kuwa munaafiqiinta ah ee gaalada ka yeelanaya gacaltooyo iyo gaashaan-buur muslimiinta sokadooda, Allaah wuxuu yiri: "Ma sharaf ayay ka dalbayaan gaalada agtooda, ciso dhammaanteed Alle ayaa is kaleh".

وقال تعالى " ياأيها الذين آمنوا لا تتخذوا اليهود والنصارى أولياء بعضهم أولياء بعض ومن يتولهم منكم فإنه منهم إن الله لا يهدي القوم الظالمين

Aayadan tafsiirkeeda dadka intiisa badan wuu bartay maadaama ay rideyso xukunka cidii gaalada ka wali yeelata iyadoo Allaah subxaanahu watacaalaa uu oranayo: "kuwa iimaanka laga helayow, haka yeelanina Yahuud iyo Nasaaro awliyo, qaarkood qaarka kale ayay awliyo u yihiin, qofkii ka wali dhigta oo adinka idinka mid ah, iyaga ayuu kamid yahay, Allaahna ma hanuuniyo qowmka daalimiinta ah".

وقال تعالى: " لا يتخذ المؤمنون الكافرين أولياء من دون المؤمنين ومن يفعل ذلك فليس من الله في شيء

Halkanna wuxuu Allaah ku oranayaa: "Mu'miniinta yeysan awliyo ka dhiganin gaalada mu'miniinta sokadooda, ciddii sidaa sameysana waxba kuma laha Allaah agtiisa".

Marka ay aayadahan ka hadlayaan mufasiriinta waaweyn ee muslimiinta sida:-Ibnu Kathiir iyo Ibnu Jariir waxay si cad usoo bandhigayaan inuu diinta ka baxayo qofkii gaalada la safta ee muslimiinta la dagaalama.

Arrintan uu Mareykanku sameynayana ee ah inuu isticmaalo malleyshiyo Soomaali calooshood u shaqeystayaal ah, ma ahan wax ku cusub gayigan, ee waxaa horey sidan oo kale u sameeyay gumeystihii Ingiriiska, waxaana Sayid Muxamad ku xukumay gaalnimo isagoo ka shidaal qaadanaya aayadan, wuxuu yiri:-

Nin aqdaamo Faranji ah

Maantiyo abuurriin

Ama aalladaba u sida

Ama Awrtaba u rara

Ama adhigaba u qala

Ama laba ugaadhsada

Ama uba ilaala ah

Ama uurka kala jira

Ashahaado beeniyo

Islaamnimo ha lagu dhaqo

Ilaahayna nama odhan

Anna ma ogolaan karo!!

DARDAARAN

Dadka la shaqeeya shisheeyaha, ama hub ha sidaan, ama ha u adeegaan ama uurka ha kala jiraane waxaan u sheegayaa in ay Allaah u towbad keenaan islamarkaana aysan adduunyadooda iyo aakhiradooda isi seejin.

Allaah wuxuu diinta inoogu dhameystiray in aanu ku dhaqanno, ee ma ahan inaan qaar qaadano, qaarna aan ku kufrino sida aayadaha inaga reebaya la jirka gaaladan duullaanka ku ah muslimiinta.

Qof walbana waa inuu maanka galiyaa in ay taariikh qormeyso oo berri lagu sheekeysan doono ciddii gaalada garabka u noqotay, waxaana qormadeydan aan uga baxayaa su'aasha ah: taariikhda mala helayaa dad gaalada la saftay oo liibaanay, mise jiraan gaalo horumar gaarsiiyay muslimiinta?.

W/Q Warfaa Kheyrdoon
Kala Xiriir Warfaa Emaill: [email protected]

FG: Fikirka wuxuu ugaar yahay qoraaga, SomaliMeMo looma tiirin karo

Related Items

Update cookies preferences