Warbixin:Shacabka Muqdisho oo Xuriyad Warbaahineed u Raadsada Internetka iyo Idaacadaha Madaxa Banaan oo Fadeexadoobay.

Thursday January 15, 2015 - 10:37:01
Super Admin
Kumanaan kamid ah shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in aaladda Internetka ay uraadsadaan wararka sugan ee dalka iyo dibadda.


Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka warbaahinta magaalada Muqdisho ku amartay in aysan baahin Karin codadka mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin iyo wararka ku saabsan halganka shisheeyaha ka dhanka ee Soomaaliya ka socda ayay dadka Muqdisho bilaabeen in aysan ihtimaan sidaasi uweyn siin idaacadaha Xamar ka shaqeeya.

Wariye SomaliMeMo katirsan ayaa ukuur galay sida Internetku unoqday isha kaliya oo ay wararka uraasadaan dadka aqoonta leh ee Muqdisho ku dhaqan.

Marka aad tagto goobaha Internetka waxaad arkaysaa dad isugu jira rag iyo dumar oo ku mashquulsan booqashada website-yada waxayna dadkaasi raadinayaan warar maadaama aysan heysan idaacad madax banana oo si xur ah u sheegta dhacdooyinka dalka ka taagan.

Mid kamida dadkii booqanayay website-yada ayaa isagoo kujira goob internet-ka lagu iibiya yiri "Warar badan oo gobollada dalka soomaaliya ka dhacay oo aanan idaacadaha Muqdisho ka maqlin ayaa Internetka dhax daadsan,runtii caburis ayaan ku jirnaa oo xuriyad ayaan mar walba internetka u raadsanaa”!!.

Warbaahinta Soomaalida ayaa Internetka si caadi ah wararka usoo dhigaysa inkastoo warbaahinta qaar ay ka gaabiyaan soo gudbinta dhacdoonka dalka.

Idaacadaha islaamiga ee kala ah Andalus iyo Alfurqaan ayay dadka Muqdisho wararkooda kala degaan aallada Internetka waxaana muuqata in caburinta lasaaray warbaahinta maxalliga ah aysan wax weyn soo kordhin kaliya ay gaabis ka dhigtay shaqada warbaahinta dhax-dhaxaadnimada sheegata.

Siyaasiga Cabdi Cadde oo ruug cadayaasha Muqdisho katirsan ayaa bidhaamiyay in dadka soomaalida dhaxdooda waxba ku qarsoomi Karin oo wixii dhaca wax daqiiqad ka yar laysku gaarsiiyo.

"Saraakiisha kooxda Xasan Sheekh ma waxay moodaan in Waqooyiga Kuuriya lajoogo halkan waa soomaali oo war isgaarsiintu casri tahay,wararka ku saabsan halganka dalka ka socda ee Al Shabaab hoggaaminayso taleefan ayaa lagu heli karaa waxaaba kasii wanaagsan Internetka oo wax walba laga helayo marka xuriyad warbaahineed Muqdisho kama jirto ayaan dhihi karaa”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Wasiirka warfaafinta DF-ka Mustafa Dhuxuloow oo isbuucii lasoo dhaafay lahadlay BBC-da ayaa sheegay in xuriyad warbaahineed oo Waafi ah ay siiyeen saxaafadda madaxa banaan warkaasi oo ahaa been cad!.


Radio Muqdisho iyo Idaacadaha Madaxa Banaan oo isku war ah:Marka aad si fiican udhageysato wararka idaacadda ku hadasha Afka dowladda Federaalka iyo iyo warbaahinta dhax-dhaxaadnimada sheegata wax faraqi ah oo sidaasi weyn uma dhaxeeyaan marka laga reebo in wariyaashu ay kala duwanyihiin.

Wararka ka baxa idaacadaha madax banaanida sheegta waxaa kamid ah Wasiir hebel dalka ayuu dib ugusoo laabtay,hay'ad abaaraha soomaaliya ka digtay,xildhibaanad heblo oo ehelkeeda booqatay ama argagaxiso laga adkaaday!!,warbaahinta Muqdisho wax xiiso ah malahan maadaama ay baahiso wararka dhinac gaar ah ayna indhaha ka furaysato xaqiiqda taagan.

Siyaasiyiinta Mucaaradsan dowladda Federaalka lagama waraysan karo idaacadaha Muqdisho kaliya waxaa warbaahinta ka hadla madaxda DF-ka iyo saraakiisha AMISOM.

Idaacadaha ka shaqeeya maamullada dalka ayaan sidaasi aheyn waana warbaahin dhageystayaashooda ugudbisa wararka ku saabsan dhammaan dhinacyada soomaaliya isku haya dhammaan shuruucda saxaafadda ayaan dhigayn in wararka haldhinac labaahiyo.

Related Items

Update cookies preferences