IMBERAADOORIYADDII CAALAMKA UGU DAMBAYSAY OO U MUUQATA IN AY KA LA DAADATAY SIDA TUSBAX FURMAY Qore/ Suldaan Garyare.

Sunday October 20, 2019 - 10:14:58
Liibaan Jeexoow
Kadib markii Baarlamaanka Ingiriisku diideen iney ansixiyaan qorshe la hor keenay oo ahaa in boqortooyada wadankaasi ay ka baxdo Midowga Yurub, ha yeeshee mar kale loo ballansan yahay in loo codeeyo, ayuu aqoonyahan Suldaan Maxamad Garyare qoray maqaalkan oo ku billaabanaya sida soo socota:


Beryahanba waxa jahwareer siyaasadeed (political turmoil) ka muuqday Imberaadooriyadda Ingiriiska oo ahayd Imberaadooriyad loo tiriyo in ay iyadu abbe u tahay qalalaasaha siyaasadeed, kan bulsheed iyo kan soohdimeed ee dunida maanta ka jira.

Waayo waxa muran dhexyaalla dalalka maanta dunida ka jira iyada ayaa aabbe u ahayd, gacmaheedana ku abuurtey. Boris Johnson, oo ah madaxa wasiirrada ee boqortooyada Ingiriiska asal ahaanna ka soo jeeda qoys Turki ah, ayaa saaka ku calaacalay in uu Ingiriisku qarka u saaran yahay mid u ka la burbura qoys ahaan iyo aragti ahaanba, isaga oo ka qayb gelaya kulankii aqalka hoose (House of Lords) ee Ingiriiska, ee ay yeeshaan maalin sabti ah wixii ka dambeeyey dagaalkii Jasiiraddaha Falk (Falkisland) ee dhexmaray Ingiriiska iyo Arjantiina sannadkii 1982kii waxa uuna yiri ; "a country will be divided into two: friendships that have broken up and families torn apart.” Dalku waxa uu u qaybsamayaa laba qaybood oo ka la daran , in saaxiibtimadii burburto iyo in sidaa oo kale ay qoysaskii ka la jajabaan.

Taasi oo calaamad u ah in Ingiriis ku daayey, Waxa aana shaki ku jirin in aysan ka dambaynayn oo aysan marnaba ka hareyn siyaasadadihiisii gurracanaa iyo intii ku shaqayn jirtey ee la jaalka ahayd haddii Alle idmo.

Waxaa Qoray Dr Suldaan Garyare

Related Items

Update cookies preferences