Maqaal Xiisa badan: TRUMP IYO NATO!!!

Sunday January 05, 2020 - 17:50:56
Liibaan Jeexoow
Professor John Mearsheimer, kana mid ah faaliyeyaasha arrimaha siyaasadda ee caalamiga (International Relations) bare sarena ka ah Jaamacadda Chicago ee carriga Maraykan ayaa qaba in Trump uusan ku guuleysan karin haddii uu damco in uu weeraro Iiraan ama meelo kale oo caalamka ka mid ah, waayo ayuu leeyahay Professor Mearsheimer, Trump ma aha nin ama madaxweyne kaxaysan kara isbahaysi uu ku dumiyo Iiraan ama meel kaleba, waana mid lumiyey isbahaysigii NATO, ee soo jirey muddo ku siman 71 sano,


laga soo bilaabo 1949kii. Mearsheimer waxa uu ku tilmaamay Trump mid NATO ka dhigay waxa uu ugu yeeray (Obsolete and Doomed) oo macneheedu yahay mid dib u dhac iyo faa’iido la’aan ah oo aan la adeegsan karin xilligan la joogo. Waxa kale oo uu Mearsheimer Trump ku tilmaamay mid aan aan jeclayn Hay’adaha difaaca ee Maraykanku horey u adeegsan jirey marka uu doonayo in uu weeraro dalka uu markaa doonayo. Mearsheimer waxa kale oo uu Trump ku tilmaamay in uu yahay mid aan jeclayn xulafeysiga oo ah mid kaligii duul ah (free riders).

Mearsheimer oo sii wata falanqeyntiisa aayaha dambe ee NATO, ayaa yiri Trump NATO waxa uu ka dhigay mid imminka la neceb yahay, oo dalalkii markii horeba ku bahoobay ayaa imminka u arka cadow iyo cabsi ku soo korortay dalalkooda, taasina waa mid baabi’in karta jiritaanka NATO. Waxa uu intaas sii raaciyey Professor Mearsheimer in Trump xagga amniga iyo siyaasadda dibedda ay uga muhiimsan tahay in uu helo hanti ama uu jeebleeyo, mana aha nin ku baraarugsan dagaalka siyaasadeed ee arrimaha xagga dunida ee uu Maraykanku muddaba hormuud ka ahaa.

Mearsheimer waxa uu sii saadaaliyey in dalalka Shiinaha iyo qaybo ka mid ah dalalka reer Barigu ay imminka ka faa’iideysanayaan fursadda uu Trump luminayo oo ah in ay samaysanayaan xulafeysi aan Maraykanku keligii u babac dhigi karin, oo dalal badan oo Maraykanku uu awood dhaqaale iyo mid ciidanba isaga hoos iman jirey ayaa hadda qarka u saaran in ay ka hoos baxaan, oo ay reer Barinimo muujiyaan. Yurub lafteeda ayuu ka deyriyey Mearsheimer, sida aysan u la dhacsanayn siyaasadda uu Trump ka qaatay arrimaha NATO.

Waxa kale oo uu Mearsheimer carrabka ku dhiftay in kororka tirada dadka iyo dhaqaalaha ee Shiinuhu uu cabsi iyo khalkahal siyaasadeedba ku yahay Maraykanka, oo la rummaysan yahay in uu mustaqbalka noqon doono dal aan saaxiibbo iyo xulufo toonna lahayn, meesha Shiinuhu uu xodxodosho ku wado dalalka dhaca Bariga dunida, sida Jabaan, Koonfurta Kuuriya, Waqooyiga Kuuriya iyo dalalka dhawrka ah ee la isku yiraahdo Shabeellada Aasiya (Asian Tigers) sida, Taiwan, Singapore, Malaysiya iyo Jasiiradda Hongkong oo imminka ka mid ah maamulka Shiinaha iwm.

Waxa aan shaki ku jirin ayuu leeyahay Mearsheimer in aan Shiinuhu dagaal la’aan noqonayn mid dunida ka taliya, sidaa darteed dagaal in uu dhexmaro Shiine iyo Maraykan waa wax aan la biciidsan karin , oo waa mid dhici kara, haddii ay taasi dhacdana Maraykan ma lahan xulufo iyo saaxiib uu isku halleyn karo oo garab istaagaya, waana mid uu Trump ciribtirey ama uu ka la cayriyey.

Professor Mearsheimer waxa uu tilmaamay in gacanka Beershiya uu ku jiro boqolkiiba 30% shidaalka dunida, taasina marka la gaaro 2035 ay gacanta u geli karto dalka Shiinaha, oo imminka xiriir fiican oo dhaqaale iyo mid horumarineedba uu ka la dhexeeyo dalka Iiraan. Yurub lafteeda ayuu tilmaamay in Shiinuhu uu saamayn weyn ku leeyahay maaddaama ay imminka xiriir dhaqaale oo wanaagsan leeyihiin.

Professorku waxa uu ku soo gabagabeeyey faalladiisii in Maraykanku uu ku fashilmay siyaasadda dunida xilligan la joogo, uuna lumiyey wixii la oran jirey hoggaamintii dunida (Hegemony), ee soddonkii sano ee ugu dambeeyey uu Maraykanku gacanta ku hayey, ka dib markuu uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa ee dunidu (Cold War), ayna dhici karto in dalal kale ay booska la wareegaan.

W/Q Suldaan Garyare

Related Items

Update cookies preferences