Donald Trump oo xasuuq ugu hanjabay shacabka Mareykanka haddii ay sanadkan dooran waayaan.

Sunday March 17, 2024 - 16:03:51
Liibaan Jeexoow
Markale madaxweynihii hore ee dowladda Mareykanka ayaa ku hanjabay in uu dhiig badan daadin doono haddii aan madaxweynaha cusub ee Mareykanka loo dooran bishan November ee sanadkan 2023.
Donald Trump oo kumanaan kamid ah taageerayaashiisa kula hadlayay gobolka OHIO ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada ee soo socota ay wax badan ka duwanaan doonto doorashooyinkii hore.

Trump wuxuu carabaabay in doorashada Mareykanka ee sanadkan ay kusoo aadayso xilli ay caalamka ka socdaan dagaallo laayaan ah islamarkaana loo baahanyahay isbedel dhanka hoggaanka ah si Mareykanku uu faragelin deg deg ah usameeyay.

Wuxuu ku hanjabay in haddii aan ladooran ay webiyo dhiig ah qulquli doonaan dalka Marekanka "Haddii aanan ku guulaysan doorashada madaxtinimada sanadkan xinjiro dhiig ah ayaa qulquli doona dalka Mareykanka".

Ra'yi aruurin ay sameeyeen qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka ayaa muujinaya suurtagalnimada iyo Trupm uu ka adkaan doono Joe Biden madaxweynaha hadda xilka haya

Related Items

Update cookies preferences