Haweenaydii latartamaysay Donalad Trump oo ku dhawaaqday in ay doorashada isaga hartay.

Thursday March 07, 2024 - 16:45:46
Liibaan Jeexoow
Hoggaamiyihii hore ee dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa kusoo baxay doorashooyinkii isreeb-reebka ahaa ee udhaxeeya siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga.
Nimarata Nikki Haley oo aheyd haweeneyda kaliya ee latartamaysay Trump ayaa ku dhawaaqday in aysan isaga hartay tartankii doorashooyinka xisbiga Jamhuuriga taasi oo ka dhigan in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu kusoo baxay tartanka islamarkaana uu Joe Bide latartami doono.

Malaayiin qof American ah oo taageersan siyaasadaha qalafsan ee Trump ayaa taageeray ololihiisa, Nimarata Nikki Haley oo goob fagaare ah ka hadlaysay ayaa qirtay guuldarrada soo gaartay waxayna umahad naqday taageerayaasheeda iyadoo qirtay in doorashooyinkii isreeb reebka ahaa looga adkaaday.

Doorashooyinkii dhacay sanaddii 2020-ka ayaa kala qeybsanaan siyaasadeed iyo kuwa bulsho ka abuuray gudaha Mareykanka waxaana larumeysanyahay in haddii Biden iyo Trump ay markale is waajahaan uu mareykanku markale gorodda gelin doono buuq siyaasadeed.

Related Items

Update cookies preferences