Donald Trump oo qarka usaaran in uu noqdo Musharraxa latartami doono joe Biden.

Tuesday March 05, 2024 - 17:34:20
Liibaan Jeexoow
Donald Trump madaxweynihii hore ee dowladda Mareykanka ayaa weli sii wada guulaha uu kasoo hoynayo doorashooyinka isreeb reebka ah ee siyaasiyiinta xisbiga jamhuuriga ugu tartamayaan doorashooyinka sanadkan dhici doona.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Trump uu kusoo baxay doorashadii shalay ka dhacday gobolka North Dakota
isagoo ka adkaaday musharixiintii latartamayay.

Doorashooyinkan oo gogol-xaar u ah doorashooyinka guud ee madaxtinimada Mareykanka ayuu xisbiga Jamhuuriga kusoo saarayaa musharaxa labaratami doono Joe Biden madaxweynaha hadda xilka haya ee katirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Wararku waxay sheegayaan in Donald Trump uu maanta geli doono mid kamida doorashooyinka ugu muhiimsan ee go'aamin doona cidda jamhuuriyiinta umeteli doonta doorashooyinka soo socda.

Warbaahinta maxalliga ayaa sheegtay in madaxweynihii hore ee Mareykanka uu ka adkaaday Niiki Hiili oo soo noqotay safiirkii hore ee Mareykanka ufadhiday xarunta Q.Midoobay.

Haweenaydan katirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa Axaddii lasoo dhaafay kusoo baxday doorashooyinkii ka dhacay magaalada Washington balse guushaas ayaan ku filneyn.

Doorashooyin maanta hal mar kawada dhici doona 15 gobol ayaa lafilayaa in uu natiijo wanaagsan ka keeno Trump oo halkaas ku leh taageerayaal farabadan.

Related Items

Update cookies preferences