Dhageyso:Hoteello Ay Ku Tuntaan Madaxda Dowladda Fedeeraalka iyo Qurba-joogta oo Muqdisho Laga Furay!.

Tuesday June 17, 2014 - 12:32:38
13761
Super Admin
Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa sanadadii lasoo dhaafay kusii kordhayay fisqiga iyo fasaadka ay gacmaha ku wataan ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.


Haddii sanadihii 2009,2010,2011 qeybo badan oo Muqdisho katirsan shareecada islaamka lagu maamulayay ayna ku yaraayeen fawaaxishta iyo dhaqamada gaalada hadda xaaladdu sidaasi ma ahan oo markii maamulkii islaamiga ahaa uu magaalada ka baxay Muqdisho qeybo kamid ah waxaa lamoodaa Addis Ababa ama Kampala waa marka laga hadlayo Hoteellada.

Wariye katirsan Idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho laga dhageysto ayaa dhawaan socdaal qarsoodi ah ku tegay mid kamida Hoteellada lagu iibiyo qamriga,Xashiidda iyo hablaha jirkooda ka ganacsada.

Warbixinta ayaa ku bilaabanaysa dhawaqa Nin 40 sana jir ah oo fadhiya qeybta soo dhaweynta Hoteelka wuxuu wariyaha iyo dad kale oo Hoteelka gelayay u sharaxay qaabka Hoteelka xummaanta loogu sameeyo! Isagoo ka dhawaajinaya qiimaha maandooriyaha iyo hablaha fusuqada ah ee goobta ugu xarreysan.

Waa dimuquraaddiyadda Xasan Sheekh,Hay’adaha Turkiga iyo AMISOM ay ladoonayaan shacabka muslimiinta magaalada Muqdisho waxaana hubaa ah in haddii aan ficilladan foosha xun ay xaaladdu faraha kasii bixi doonto Ciqaabta Allana soo degdegi doonto.

Qofkii Hoteelkan iyo kuwa lamid ah gala looma ogola in uu kaligiis dalbado qamri ama cunto waxaa shardi ah in uu gacanta kasoo qabsado mid kamida Hablaha Jirkooda ka ganacsada ee Hoteelka ku sugan dhankaas wuxuu ka shaabahaa Hoteellada Itoobiya oo badankood sidaasi ah!!.

SomaliMeMo ayaa Nashiiddo dul saartay qeybo kamid ah warbixinta oo laga maqlayay Music si aan u ilaalino anshaxa.

Saxafiga warbixinta diyaariyay wuxuu xaqiijiyay in mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka oo sheeganaya in ay xil umadeed hayaan lagu dhax arkayay iyagoo qamri iibsanaya islamarkaana gacmaha ka heysto hablaha Jirkooda ka ganacsada!,waa qeyb yar oo kamid ah fasaadka Hoteellada Muqdisho kajira oo warbaahintu ku dhiiratay in ay banaanka soo dhigto.

Qofkii qowl ama ficil arrintan uga dhiidhiya wuxuu noqonayaa Al Shabaab ugu yaraanna waxaa lagu tilmaamayaa Xagjir ku dhegan dhaqamadii Hore!! way yartahay qof ku oranaysa waxaa tahay geesi diinkiisa iyo dadnimadiisa uqiirooday.

Halkan Gujji si aad Warbixinta u degsato MP3

Related Items

Update cookies preferences