Cudurka Karoonaha iyo Sida uu caalamka u qaabayn karo W/Q: Wadaad Yare.

Tuesday March 24, 2020 - 12:19:39
Liibaan Jeexoow
Ilaahay xigmadihiisa waxa kamid ah in aadmiga furayaasha dunida kolba qolo u dhiibo, qolyahaasi loo dhiibayaa gaalo iyo islaam ka ay doonaan ha ahaadeen eh waxa ay maraan tijaabo dunyawi ah.


 Marka ay asbaabta la yimaadaan ayaa loo fududeeyaa sidii ay dhulka u qabsan lahaayeen, tusaale ahaan haddii muslimku la yimaado macaasi iyo fujuur oo ay ka tagaan kitaabkoodii lagu ogaa waxa lagu sallidaa gaalo soo weerarta, hadda ma aha gaalo meel cidlo ah iska fadhida, xaasha! Waa gaalo saliibiyiin ah ama mushrikiin rooxaaniyiin ah.

 sidii dhacday qarniyadii dhexe ee Tataarka ama taariikhdan cusub ee hadda saliibiyiintu dunida furayaasheeda hayaan. Akhristow waxa jira xadiis qiimo badan oo nabiga ka sugnaaday macnihiisuna noqonayo"ilaahay adduunyadu agtiisa garab kaneeco way kala liidataa, haddii ay qiimo lahaan lahaydna, gaal koob biyo ah lagama waraabiyeen”.

Halkaa waxa aad ku ogaatey in ilaahay adduunka kolba qolo u dhiibo balse innagu haddii aynu kitaabkiisa ku dhaqanno aynu waligeenba gacanta sare lahaaneyno. Haddaba aynu u nimaadno sida cudurka karoonuhu u qaabeynkaro dunida iyo weliba sida xaalka islaamiyiintu noqon doono.

 Maanta dunida muslimka ah waxa ka jira dhibaatooyin iyo halganno isbarkan oo dhibtooda iyo dheeftoodaba wata, dhibtu waa qaxa iyo barakaca muslimka ku socda iyo sida loo rabo in diintooda laga fitneeyo. Dheeftuna waa iney jiraan kacdoonno iyo halganno lagu rabo in lagu soo celiyo shareecadii islaamka ee qarni ama qarniyo ka hor la laalay.

Cudurkani waxa uu yareeyay ugu horreyn dikhowgii hawada, jugtii hore wuxuu mareykanku ku farxay sida uu shiinaha u halakeeyay oo dhaqaalihiisu hoos ugu dhacey balse hadda isagii baa dareemay culeys badan. Dhibaatada Yurub haysataa waa in dadkoodu u badan yihiin dad aan dhalinyaro ahayn halka cudurkuna uu waxyeellada u badan gaadhsiinayo dadka gaboobey heer dhimasho ah.

Dhaqaale burburka yurub ku dhacaa waxa uu keeni doonaa in wadamada muslimka ee la gumeystaa ay xoroobaan oo lacag loo waayo sida AMISOM-ta Soomaaliya joogta, Waxa hoos u dhacay shidaalkii.

sidoo kale waxa hoos u dhacay waxsoosaarkii wershadaha ee noocwalba taas oo lagu tirinayo xattaa kuwii hubka.Waxa uu cudurkani noqon karaa gogol xaadh dawlad Islaami ah oo dhawaan dhalata maadaama oo shucuubta muslimka ahi hubka qaateen isla markaana ay ogaadeen in dagaal lagu soo ceshan karo sharaftii iyo heybaddii ka luntay, sannado badan ka hor islamarkaana ay dib u hoggaamin karaan caalamka.

dhaqaalihii lagaga hortagi lahaana uu burburey. Dadka qaar baa waxa ay isweydiin doonaan cudurkani miyaanu saameyn weyn ku yeelan karin caalamul islaami?. Taasi waa su’aal meesha ku jirta balse xattaa haddii uu soo wada gaadho ilaahay inooma keenee, saamaynta uu ku yeelan karaa lama mid noqon karto ta yurub iyo reer galbeed sababtoo ah caalamka islaamku waxa uu u badan yahay dhallinyaro, dhallintana waxa lagu yaqaanaa in difaacoodu jidhku xooggan yahay. Sababo jira awgood saadaashu waa kheyr.

W/Q: Wadaadyare Xaashi

FG: Fikirka wuxuu gaar uyahay qoraaga SomaliMeMo looma tiirin karo mas'uulna kama ahan

Related Items

Update cookies preferences