HAL MAGAALO, HAL JID IYO WELIBA HAL GURI

Sunday May 03, 2020 - 12:52:00
Liibaan Jeexoow
Waxaan aad u la yaabaa warbixinta iyo xogta ay soo gudbinayaan afhayeennada dawladda laakiin aan anigu rummaysnahay in ay dalka ka joogaan hal magaalo, hal jid oo magaaladaa ka mid ah iyo weliba hal guri oo jidkaa ku yaalla, lana yiraahdo Villa Somalia.


Waxa intaa weheliya in ay ku faanaan ciidammo dalal kale ka yimi iyo kuwo maxaysato ah oo aan dhufeysyo ka bixin ama gabbaad ku jira inta badan, weerarrona la kulma habeen iyo maalin, goobo cayimanna ku sugan.

Haddaba waxaan isweydiiyaa miyaysan jirin afhayeen laga dambeeyo oo soo gudbiya ama laga qaato xogta ugu dambaysa ee ay soo gudbinayaan, marka laga eego xogaha ay siinayaan cidda dhegeysata amase warbaahinta wararkooda baahisa ama lalisa.

Ilaa dorraad waxay soo gudbiyeen laba war oo runtii iska soo horjeeda ama is duqeynaya. Xog waxaa bixiyey Maareeye oo ah madaxa warbaahinta ama warfaafinta, waxa uuna sheegay war aan daraasad ahaan la baarin ama aan sal aqooneed lahayn, waxaa saacado kadib ka daba hadlay kuxigeenka madaxa caafimaadka, oo isna beeniyey warkaas, kuna tilmaamay mid aan daraasad iyo aqoon toona ku salaysnayn balse qof uun uu iskaga dhawaaqay, waana u eg tahay sidaa uu tilmaamay kuxigeenka madaxa caafimaadku, waayo waxa aan filayaa in ay tahay hawshii wasaaraddiisa balse aysan ahayn tan uu Maareeye horjoogaha ka yahay.

Haddaba taladu waa lama huraane waxaa u habboon qoladaan dawladda sheeganaysa in aysan diin darrada ku darsan aqoondarro la xiriirta xagga hannaanka dawladnimada (incompetence).

W/Q Suldaan Garyare

Related Items

Update cookies preferences