Akhriso: Fadliga ku jira soonka Lixda Maalin ee Bisha Shawwaal.

Tuesday April 25, 2023 - 10:08:48
Liibaan Jeexoow
Umadda Milyaarka muslimiinta ah ayaa dhammeysatay soonka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana lagutay waajib kamid ah shanta tiir ee islaamka.
Bisha Shawwaal ama soon fur ee dhowaan bilatay waxaa ku dhax jira lix maalmood oo qofkii sooma uu helayo ajar lamid ah isagoo sanadka oo dhan soomay waana fursad qaali ah oo uu heysto qof walba oo muslim ah islamarkaana caafimaad qaba ee awooda in uu ka faa'iidaysto soonka maalmahan qaaliga ah.

عن أبي أيوب الأنصاري رضي الله عنه، أن رسول الله صلى الله عليه وسلم، قال: ( من صام رمضان ثم أتبعه ستًا من شوال، كان كصيام الدهر ) والحديث أيضًا رواه أصحاب السنن.

وفي رواية في " صحيح ابن حبان " قوله صلى الله عليه وسلم:

Fadliga uu leeyahay Sonka Lixda Shawwal.

Abu ayuub Al ansaari Alle ha raalli noqdee ayaa laga wariyay in uu Nabiga SCW yiri "qofkii sooma Bisha Ramadaan kadibna Raaciya Lix Maalin oo ka Mid ah Bisha Shawwaal, Wuxuu lamid yahay qof soomay Sannadka oo dhan".

Hadaba waa Maxaay faa'iidada Soonka Lixda Shawaal uu leeyahay qofka muslimka ah ?.

Faa'iidooyinkiisa waxa ka Mid ah.

1), Qofkii Sooma wuxuu la mid yahay qof Soomay sanadka oo dhan.

2). Soonkan lixda Shawaal wuxuu kabaa wixi khaladaad ahaa ee ka dhacay qofka Bisha Ramadaan, sida uu sheegay Nabiga (SCW)

Qofka muslimka ah Waxaa  u bannan in soonka  Lixdaas Maalin uu ka dhigto bisha shawwaal bilaawgeeda, dhaxdeeda ama Dhammaadkeeda balse Sida fadliga badan waa in la sooma lixda maalin ee ugu horreeysa ee bisha Marka laga Reebo Maalinta Cidda oo in lasoomo ay xaaraan tahay.

Culimada qaar waxay sheegaan in lixda maalin qaabka loo soomayo aysan kala fadli badneyn laakin qofka muslimka ah ay lagudboontahay in uu lix maalin uun uu ka soomo shawwaal sida ku cad axaadiithta saxiixa ah ee sheegaysa in ruuxii ramadaan sooma kadibna raacsiiya lix maalin oo shawaal kamid ah uu lamid yahay qof soomay sanadka oo idil.

Alle waxaan ka baryaynaa in uu na waafajiyo kheyrka soonka lixda maalmood ee Shawwaal aamiin

W/D Warfaa Kheyrdoon

Related Items

Update cookies preferences