Siyaasadda Goronyada! W/Q Wadaadyare Xaashi.

Monday June 15, 2020 - 17:06:49
Liibaan Jeexoow
Wadahadallada Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka furmeen dalka Jabbuuti, waxaase isweydiin leh maxay kaga duwanyihiin wada hadalladii faraha badnaa ee hore loo bilaabay.


Waxa ugu weyn ee la hadal hayaa waa in Madaxweyne Farmaajo uu kursigiisa ku bedelanayo in la heshiiyo, kadibna uu noqdo madaxweynihii heshiisiiyey Waqooyi iyo Koonfur oo muddo badan kala maqnaa.

In madaxda dawladda federaalku keenaan qorshaha ah kursigayga waxaan ku bedelanayaa midnimada ummada waa wax aanu hadda farmaajo bilaabin ee xilligii shariif sheekh axmed bilaabantey. Shariif ayaa siilaanyo u soo bandhigey qorshaha ah, kursigaygan ku fadhiiso oo soomaalilaan keen, kadibna shacabka u wada tali.Siyaasiyiinta soomaalida ee hadda joogaa waxa ay ku dhaqmaan siyaad gorayo!.

Haddaba akhristow siyaasadda gorayadu maxay tahay? Gorayadu waa xayawaan halbeeg u ah habacsanaanta. In gorayadu ay dhasheeda dayacdo ka sakkow marka ay dhuumanayso dhakadeeda ayay ciidda gelisaa kadibna waxaay aammintaa in aan la arkayn!.

Bal u fiirso Ismaaciil cumar geelle oo dadkiisa musqulo ku xidha gaajona ku diley oo haddana ka hadlaya heshiisiinta soomaali kale! Bal eeg madaxda kaleee raba in ay waaqaca jira ka dhuuntaan. Waddankii dhammaa oo gumeysi ku jira, oointaas oo dawladood oo shisheeye ahi joogaan muxuu soo kordhin karaa wadahadalku?

Haddii xittaa la wada hadlayo iyagu ma u madax bannaan yihiin wada hadalka? System-ka ama nidaamka ay ku shaqaynayaan ma iyagaa iska leh oo samaystey?

Ninka degay rugteennii
Ruqiyana ku guursadey
Dumaal uu rag leeyahay
Gardarrada ku raadsaday
Haddaan rubadda lagajarin
Ragannimo maxay tahay?

Maxay itoobiya ka dhex qabanaysaameesha iyadoo la ogyahay waxay Soomaalida ugeysatey haddana ku wadaan?
Intaas oo su’aalood oo u baahan in laga fekero lana falanqeeyo haddana runta qadhaadhi waxa ay tahay soomaalida dadkan hadda horjoogaa ehel uma aha in ay wax hogaamiyaan.

Taariikhdu waa cajiib, waxa se ugu cajiibsan marka aad quraanka kala baxayso taariikhaha qiimaha leh ee alle inoo sheegay. Akhristow waxa Rabbi suuratul xashri aayadeeda labaad kaga warramay arrin cajiib ah. Waxa jirey yahuud madiina deganayd oo reer banu nadiir la odhan jirey. Nabiga ayey heshiis kula jireen laakiin waxa ay bilaabeen in ay dhagraan oo ka takhallusaan. Ilaahay SW ayaa nabiga u waxyoodey kaddib nebigu wuxuu farriin u direy yahuuddii in ay magaalada iskaga guuraan maadaama oo ay heshiiskii ka baxeen laakiin waa ay diideen oo dagaal bay iclaamiyeen.

Muslimiintii wakhtigaasi tamar badan ma ay lahayn markaa waxa ay u maleeyeen in aan yuhuudda la saari karin. Qalcadaha reer banu nadiir ay lahaayeen aad bay u adkaayeen oo lama geli karin. Yuhuuddaasi waxa ay u malaynayeen in qalcadahoodu xattaa ilaahay ka celin karaan. Subxaanallah!.

 Laakiin arinkii uu ilaahay dooney baa dhacey. Quluubtoodii alle wuxu ku tuurey baqdin iyo argagax, meel aaney filayn baa lagaga yimid. Markaasay guryahoodii gacmahooda ku burburiyeen waaney is dhiibeen. Ilaahayna wuxu aayaddaas ku gabagabeeyay dadka caqliga lahow ku cibro qaata arrinkaas. Hadda soomaalida waxa laga dhaadhiciyey lagama soo kaban karo dhibka idin haysta ee sida ay shisheeyuhu idiinku taliyaan yeela, balse waan diidney shisheeyahana sidii uu Rabbi madiina uga rarey yuhuud iyada oo aan qashar ka dhicin bay uga hulleeli doonaan soomaaliya insha allah.

Wabillaahi Towfiiq
W/Q: Wadaadyare Xaashi

FG: Fikirka wuxuu gaar uyahay qoraaga SomaliMeMo looma tiirin karo mas'uulna kama ahan

Related Items

Update cookies preferences