Mareykanka oo Dublumaasiyiintiisa Ka Daadgureeyay Liibiya Kadib Hanjabaad Uga Timid Ansaaru Shareecah.

Saturday May 31, 2014 - 19:05:05
8205
Super Admin
Wadanka liibiya ee dhaca waqooyiga qaaradda afrika ee maqribul islaami ayaa maraya maxlad adag kadib markii hoggaamiyaal dabadhilifyo ah ay muslimiinta ku iclaamiyeen xamlad ashahaadda ladirir ah.
Dowladaha reer galbeedka oo ay ugu horreyso dowladda mareykanka ayaa dhanka maaliyadda,wardoonka iyo melleteriga ka taageeraya dagaal ooge khaliifa xaftar oo ah jeneral horay uga tirsanaa melleterigii dowladdii alqadaafi.

Hoggaanka mujaahidiinta ansaaru shareecah wadanka liibiya ayaa dhankooda bilaabay dhaq dhaqaaq warfaafineed mid siyaasadeed iyo melleteri oo ay uga hortegayaan xamladan halista ah ee liibiya laga iclaamiyay.

Sheikh Max’med alzahaawi mas’uulka ansaaru shareecah ee magaalada Banqaazi ayaa shalay gelinkii dambe qabtay shir jaraa’id oo saameyn badan ku reebay safaarahada reer galbeedka ee liibiya.

Allaha xifdiyee sheikh alzahaawi ayaa sheegay in macrakada sheydaaniga ah ee magaca wanaagsan loo bixiyay "Alkaraama” ay tahay mid ka dhan ah islaamka iyo muslimiinta ladoonayo in liibiya loogu gacan geliyo yahuudda iyo nasaarada oo iswata.

intabadan warbaahinta maxalliga wadanka liibiya ayaa si toos ah utebinaysay shirka jaraa’id ee libiya sida idaacadaha iyo telefeshinada wuxuuna ahaa warkii ugu mugga weynaa ee ansaaru shareecah kasoo baxa.

mujaahidiinta liibiya ayaa mareykanka iyo dowladaha khaliijka dawaaqiidda ah ku eedeeyay in gadaal ka riixayaan dagaal oogaha dambiilaha ah ee khaliifa xaftar,mareykanka oo ah cadawga islaamka iyo muslimiinta ayay ansaaru shareeca eedayn iyo hanjabaad ujeedisay.

hoggaanka ansaaru shareecah ayaa mareykanku ugu goodiyay in ay jab iyo hallaag dhabarka ugu saari doonaan liibiya sida horay ugu qabsatay soomaaliya,Afghanistan iyo ciraaq.

Markii hanjabaadda culus ay kasoo baxday ansaaru shareecah ayay mareykanku dublumaasiyiintiisa liibiya ku sugan ugu baaqeen in si degdeg ah uga baxaan liibiya, war rasmi ah oo mareykanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in daadgureynta muwaadiniinta mareykanka labilaabay.

Wasaaradda difaaca mareykanka waxay sheegtay in markab dagaal oo ay saaranyihiin 1000 askari lageeyay xeebaha liibiya waxayna ciidankaasi isku diyaarinayaan in ay soo badbaadiyaan shaqaalaha mareykanka ee liibiya ku sugan haddii ay khatar lakulmaaan .

Related Items

Update cookies preferences