Facebook oo xirtay Ciwaannada dad xiriir laleh madaxweynaha Uganda.

Tuesday January 12, 2021 - 11:32:33
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay in laxiray boqolaal ciwaan oo ay lahaayeen saraakiisha ugu sarraysa dowladda Uganda.


Ciwaannada laxiray waxaa sameysay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Uganda oo dadaal dheer ugu jirta sidii markale loosoo dooran lahaa Yuweri Musaveni oo muddo 35 sanadood ah dalka maamulayay.

Maamulka Facebook wuxuu sheegay in ciwaannada ay xireen lagu faafinayay macluumaad been abuur ah oo lagu xayaysiinayo madaxweynaha islamarkaana loogu gefayo sumcadda mucaaradka qeybta ka ah doorashooyinka.

Nin lagu magacaabo Bobi Wine oo 38 sana jir ah ayaa loollan adag lagelaya 76 sana jirka kaligii taliyaha ah ee shacabka Uganda xoog ku maamulayay 35-tii sano ee lasoo dhaafay.

Magaalada Kampala iyo magaalooyinka kale kama dhici doonaan doorashooyin sidaas ubuuran sababa laxiriira caabuqa Covid19 sidaas darteed ayay baraha bulshada unoqdeen meelaha ugu muhiimsan ee dhinacyadu kusoo bandhigayaan awoodooda siyaasadeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences