Dowladda Kenya oo xaraashaysa diyaaradihii dowladdii Soomaaliya.

Thursday November 04, 2021 - 17:06:48
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Nairobi ayaa lagu sheegay in la iibin doono dhammaan diyaaradihii ay laheyd dowladdii Soomaaliya ee yaala garoomada dalkaasi.


Dowladda Kenya waxay go'aansatay in ay xaraashto dhammaan diyaaradihii Soomaaliya iyadoo qiima jaban ku iibinaysa, mas'uul uhadlay xukuumadda Kenya wuxuu carabaabay in diyaaradaha ay iibinayaan ay isugu jiraan kuwa melleteri iyo kuwa xamuul ah.

Sanaddii 1991-dii markii ay burburtay dowladdii Siyaad Barre ayay Kenya caga dhigteen tobaneeyo kamid ahaa diyaaradihii Soomaaliya, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Farmaajo oo ku saabsan go'aanka ay qaadatay Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

Update cookies preferences