Dowladda Sacuudiga oo 6 sano kadib cilaaqaad wanaagsan layeelanaysa Shiicada Iiraan.

Sunday November 14, 2021 - 13:09:46
Liibaan Jeexoow
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay wadahadallo kula jirto dowladda Shiicada Iiraan si loosoo gaba gabeeyo colaadda gaamurtay ee labada dhinac udhaxaysa.


Faysal Bin Farxaan oo ah wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegay in ay wadahadallo toos ah usocdaan iyaga iyo Iiraan ayna rajeynayaan in goordhow dib loosoo celiyo cilaaqaadkii labada dhinac udhaxeeyay.

Isagoo wareysi siinayay Channelka France24 ayuu shaaciyay wasiirkan Sacuudiyaanka ah in wadahadalladu ay socdaan muddo bilo ah islamarkaana ay marayaan illaa 4 wareeg balse aan wali xal buuxa laga gaarin arrimaha laysku khilaafsanyahay.

Xiriirka udhaxeeya Riyaad iyo Tahran ayaa go'an muddo hadda laga joogo 6 sanadood kadib markii Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay qabsadeen inta badan dalka Yemen kadibna Iiraan ay si toos ah utaageertay Xuuthiyiinta.


Related Items

Update cookies preferences