Maxkamadda Raddul Madaalim oo go'aan ka gaartay dhulal kuyaal degmada Wadajir [dhageyso].

Monday December 06, 2021 - 17:48:45
Liibaan Jeexoow
Maxkamada Shareecada Islaamka ee Radul Madaalim qeybteeda gobolka Banaadir ayaa fulisay xukuno Islaami ah oo dhowr ah kuwaas oo lagu kala xukumay dhulal iyo boosas ay isku haysteen dad Muslimiin ah.

Dhulalkan iyo boosaskan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda wuxuu dhageysigeeda uu socday dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxkamada Radul Madaalim ayaa xukuntay 11 gal dacwadeed kuwaas oo dadkii isku haystay dhulalkaas loogu kala xukumay si waafaqsan shareecada Islaamka.

Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa xukunadii ay riday Maxkamada Radul Madaalim, waxaad imika kusoo dhawaataan xukunkii 6aad oo laga soo saaray dhul muddo dheer lagu muransanaa oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Halkan ka degso xukunka 6aad ee maxkamadda MP3
ama ku dhageyso Facebook

Related Items

Update cookies preferences