Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen ee Kusoo Barakacay Ceelbuur oo Gurmad la Gaarsiiyey. [SAWIRO]

Tuesday February 01, 2022 - 15:56:28
Boqolaal qoys oo ka mid ahaa dadkii kasoo barakacay deegaanada miyiga ah ee ay abaaruhu ku dhufteen ayaa deeq raashiin ah loogu qeybiyey degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Gurmadkan ayaa qeyb ka ah xamlo uu wado gudiga gurmadka Abaaraha ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo lagu caawinayo dadka ay abaaraha Saameeyeen ee kusoo barakacay magaalooyinka ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Mas'uuliyiin u hadashay gudiga gurmadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in boqolaal qoys oo danyar ah ay ka faa'ideysteen gurmadka laga sameeyey degmada Ceelbuur iyo deegaanada ku xeeran, islamarkaana uu sii socon doono gargaarka loo sameynayo dadkaasi dhiban.

Gudiga ayaa sidoo kale sheegay in dadka qaarkood ee ku sugan deegaanada fog fog ee miyiga loo sameynayey biyo dhaamin maadama baahida ugu badan ee ay qabaan ay tahay biyo la'aan.

Hoos ka daawo sawirrada.


Related Items

Update cookies preferences