Taageerayaasha Railla Odinga oo sii wada diidmadooda ku aaddan natiijada doorashooyinkii Kenya.

Tuesday August 16, 2022 - 21:17:56
8261
Liibaan Jeexoow
Kadib doorasho si adag loogu tartamayey oo maalmo la sugayey natiijadeeda, gudiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas,William Ruto uu noqday madaxweynaha wadanka kadib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday wadanka.
Hogaamiyaha laga guuleystay ee lagu magacaabo Raila Odinga iyo taageerayaashiisa ayaa qaadacay natiijada kuna tilmaameen mid lagu shubtay.
Markii lagu dhawaaqay in Ruto uu noqday ninka ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka waxaa dhamaan indhaha warbaahinada caalamka ay soo wada eegeen hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga, kaas oo markii 5aad looga adkaaday tartanka doorashada madaxtinimo ee wadanka.
waxaana sidii la filayeyba isaga iyo taageerayaashiisuba ay si adag uga soo horjeesteen natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay.

Raila ayaa markan lahaa rajada ugu dhow ee uu ku noqon karo madaxweynaha wadanka Kenya kadib markii uu taageero lixaadleh ka helay xisbiga talada haya ee Uhuru Kenyatta, kaas oo sanadkan dadaal xoogan ku bixiyey sidii Odinga loo soo saari lahaa, dhanka kalena looga adkaan lahaa William Ruto balse Ruto ayaa ka gudbay dhamaan caqabadihii la hordhigay islamarkaana si dirqi ah ku gaaray guushii uu mudada dheer ku taamayey.

Saacado uun kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Doorashada rabshado ayaa ka bilowday magaalada Kisumu oo ah halka uu kasoo jeedo hogaamiyaha mucaaradka ee Raila Odinga, iyo sidoo kale xaafadda Kibera ee magaalada Niarobi oo ay ku badan yihiin taageerayaashiisa, waxaana muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada lagu arkayey dhalinyaro fara badan oo isugu soo baxay wadooyinka kuwaas oo gubayey taayaro sidoo kalena ku qeylinayey erayo ka dhan ah hogaamiyaha la doortay.

Odinga oo qudhiisa hadlay galabta ayaa qaadacay natiijada doorashada, waxaana uu sheegay inay lama huraan tahay in isaga iyo xisbigiisa ay aadaan Maxkamadda sare si ay u gudbiyaan dacwad ka dhan ah gudiga doorashada. Sarkaal u hadlay xizbiga Raila Odinga ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo iyo macluumaad sirdoon oo tibaaxaya in lagu shubtay doorashada lana jabsaday qalabkii gudiga doorashada sida uu hadalka u dhigay.

Mas'uuliyiin katirsan guddiga doorashooyinka Kenya ayaa qiray in lagu shubtay doorashada arrinkaas oo xoojinaysa diidmada Odinga ee doorashadii dhacday

Related Items

Update cookies preferences