Beesha Ciroole oo xoolo ugu deeqday ciidamada Wilaayada Islaamiga Sh/hoose [Sawirro].

Sunday December 25, 2022 - 15:32:54
Liibaan Jeexoow
Beesha Ciroolle oo kamid ah beelaha dega Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose ayaa munaasabad ballaaran oo ay ku qabatay degaankeeda ku muujisay sida ay u garab taagan tahay Xarakada Al-Shabaab.
Beesha ayaa sheegtay in ay Alle dartii ku bixineyso 250 neef oo Ari ah oo ay ugu tala gashay in la gaarsiiyo ciidamada Mujaahidiinta ee ku jira jiidaha hore ee dagaalka.

200 oo kamid ah Ariga waxaa bixiyay odayaasha dhaqanka halka 50 neef ay ku deeqeen gabdhaha ku nool degaanka Nasrudiin oo ay beeshu degto islamarkaana hoos taga degmada Baraawe.

Odayaasha ayaa la arkayay iyagoo garwaaxsan hubkooda islamarkaana codsanaya in la geeyo furimaha hore ee dagaalka si ay laba guul midood usoo xaqiijiyaan, waa Nasri ama Shahaado.

Waxaa aad isku soo taraya qabaa’ilka Soomaaliyeed ee sida weyn u garab istaagaya Xarakada  Al-Shabaab iyagoo aad uga soo horjeeda shisheeyaha iyo maamulada ku daaban.

Related Items

Update cookies preferences