Wax ka baro Ramadaanka iyo sida ay Muslimiintu usoomaan.

Wednesday March 22, 2023 - 12:23:25
MeMO Staff
Soonka waa tiirka 4aad ee islaamka waana bishii uu soo degay Qur'aanka kariimka ah, Allaah Swt isagoo ka hadlaya soonka waajibnimadiisa waxa uu yiri: (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ ) (البقرة: 183).
Diyaar garowga Muslimiinta ee ku aaddan soo dhaweynta bisha Ramadaan waxa uu saman kasta ahaa mid cajiiib ah!, waxa ayna Muslimiintu ahaayeen kuwa bishaan aad usoo dhaweeya, iyagoo iftiimin jiray Masaajidda, islamarkaana weyneyn jiray Ramadaanka, waxa ayna weheshan jireen bishaan.

Sidoo kale waxay lahaayeen caadaad waaweyn kuwaas oo ay kamid yihiin xalaqaadka la isku xusuusiyo allaah iyo barashada cilmisha sharciga ah, marka lagu daro sharafta ruuxiga ah ee nolosha dadka Muslimiinta lagu yaqaanno oo ah Qur’aanka kariimka ah, maadaama bishaan ay tahay bishii Qur’aanka.

Bisha Ramadaan waxa ay Muslimiintu ku soomaan inay bisha arkaan, Rasuulka SCW waxa uu yiri ku sooma bisha aragtideeda kuna afura aragtideeda, sidaasi darted Muslimiintu waxa ay ahaayeen kuwa ku dadaala aragtida bisha, iyagoo sidoo kale ku soomi jiray sheegista qof kamid ah Muslimiinta inuu arkay bisha kaas oo aan been lagu aqoonin.

Ramadaanka ayaa mararka qaar kusoo aadaya cimilada oo wada daruur ah, taas oo sababta inaan bisha la arkin, dadka ayaana ku shakiya in lasoomayo iyo in kale, tusaalayaasha ugu xasaasisan arrintaan waxaa kamid ah, in dadka reer Gharnada ee Andalus ay soomeen bisha Ramadaan 26 maalmood, sannadkii 207-dii hijriyada, taas ayaana sabab u aheyd in bilihii ka horreeyay Ramadaanka ay daruuruhu aad u badnaayeen, habeenkii 27-aad ayay raadiyeen bisha iyadoo ay usoo muuqatay, sidaas ayayna ku afureen.

Madaxdii iyo khulafadii Muslimiinta ayaa waxaa dhaqan u ahaa in markii la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan ay ahaayeen kuwa quxriya oo ifiya Masaajidda iyo Jaamacyada si dadku ay ugu cibaadeystaan, waxaana tusaale usoo qaadan karnaa saxaabiga Cumar Binu Khadaab RC, in uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee islaamka dhexdiisa masaajidda ku xardha leerarka.

Cali Bin Abii Daalib oo soo maray Masjidka xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan brakeysan islamarkaana uu ku dhex arkay leerarkii uu Cumar ku xiray ayaa waxa uu yiri: "Alle ha u ifiyo Cumar qabrigiisa sida uu inoogu ifiyay Masaajiddeena”.

Marka laga soo tago madaxda oo ku tartami jiray inay qurxiyaan oo ay ifiyaan jaamacyada si ay ugu diyaariyaan dadka ku tukanaya, ayaa waxay umadda Muslimka ah jiilba jiilka ka dambeeya ay ku tar tamaan acmaasha saalixa ah, kumana sii jirto marka lagaaro bisha Ramadaan, taas oo ay kaga dayanayeen ficilkii nabiga SCW iyo sabaaxadiisa, waxaana arrikaasi ugu sarreeya Qur’aanka Kariimka ah.

Cuthmaan Al-Jowzaani waxaa laga soo guuriyay kitaabkiisa Tafsiirka ee Sunanu Caciid Bin Mansuur, in taabiciga Aswad Bin Yaziid AnNaqaci uu ku dhameysan jiray Qur’aanka bisha Ramadaan labadii habeenka mar, kadibna waxa uu dhameystiran jiray barnaamijkii maalin laha ahaa oo ay ka buuxaan camal suuban oo wanaagsan.



In badan oo kamid ah salafka iyo culimadii waa weynaa ee Muslimiinta waxa ay ahaayeen kuwa Ramadaanka uu uga duwan yahay xaaladaha kale, qaarkood waxa ay ahaayeen kuwa ka tafarruqa wax waliba si ay uga faa’iideystaan bishaan fadliga badan.
Jihaadka oo kamid ah acmaasha ugu fadliga badan ayay culimadii hore ee Muslimiinta marka lagaaro bisha Ramadaan ay ku soomi jireen Thuquurta, iyagoo Muraabidiin ah, iskamarkaana hortaagan cadowgooda, waxaana kamid ahaa culimadaas, Al-Imaamul Maalikiyyi Saxnuun AtTanuukhi iyo rafiiqiisa Muuusaa Bin Mucaawiya.

Al-Imaam Saxnuun ayaa waxa ayuu yiri: "Waxaan eheyn kuwa Ribaad kaga jirnay Munsatiir oo ah dhufeys ku yiilay woqooyiga Tuunis dhanka Barxul Mutawassid xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana la joognay jamaaco kamid ah asxaabteenna, markii la gaaro 27-ka bisha Ramadaanna waxa uu ahaa mid dadaalkiisa sii ballaariya oo habeenkii oo idil taagnaada.

Sidoo kale culimadii bisha Ramadaan Muraabidiinta ahaa waxaa kamid ah Al-Imaamul Callaamah Al-Mujaahid Cabdullaahi Bin Mubaarak, kaas oo ku soo caan baxay ka qeyb galkiisii macaariktii ay galeen Cuthmaaniyiinta iyo Jihaadkoodii ka dhanka ahaa BiizanDiyyiinta, iyo intii uu waqti dheer ku sugnaa Thuquurta woqooyi ee Shaam isagoo hor taagan cadawgiisa, illaa ugu dambeyntii uu geeriyooday isagoo kazoo laabtay Dar-Doos oo dhacda koonfurta Turkiga xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, taariikhduna ku beegneed 281-dii hijriyada.

Rasuuulka SCW ayaa inoo sheegay in bisha Ramadaan uu ajarko yahay laban laab, Jihaadkuna uu kamid yahay acmaasha ugu fadliga badan, taas oo loo baahan yahay in laga faa’iideysto.

Sidoo kale waxyaabaha ugu ajarka badan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan waxaa kamid ah in wax la labxo, Masaakiintana a quudiyo, Rasuulka SCW waxa uu ahaa dadka kan ugu deeqsisan, isagoona ugu deeqsisasanaa marka lagaaro bisha Ramadaan, Saxaabada iyo Umaradii hore ee Muslimiinta ayaa iyaguna bishaan ahaa kuwa ay gacmahoodu furnaayeen, waxaana kamid ahaa Abuu Bakar ASsiddiiq, Cumar Bin Khaddaab iyo Cuthmaan Bin Caffaan, dhammaantood alle haka wada raali noqde’e.

Waxaan sidoo kale tusaale usoo qaadan karnaa amiirkii Muslimiinta ee Tuunis, Al-Caadil Axmed Bin Muxamed Al-Aqlab, kaas oo habeen waliba oo kamid ah bisha Ramadaan kazoo bixi jiray qasrigiisa, isagoona ku dhex lugeyn jiray Muslimiinta, waxa uuna socdaalkiisa kazoo bilaabi jiray albaabka ARrabiic, waxa uuna siday lacag aad u badan, taas oo uu siin jira ducafada iyo masaakiinta Muslimiinta, illaa socdaalkiisa uu kusoo dhameeyo Masjidka Jaamacaha ah eek u yaalla Qeyrawaan.

Khulafadii, iyo Salaadiintii, hore ee Muslimiinta waxa ay ku dadaali jireen jireen inay ka dhowrsadaan dulmiga cadaaladdana ay taagaan, dadkana ay ufufudeeyaan arrimaha inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, iyagoona ku dayanayay dadkii iyaga ka horreeyay, oo waxay wax waliba ku bixin jireen acmaasha kheyriga ah.

Waxay dadkii ku dhaqnaa Baqdaad usoo gudbiyeen Ma’Muun dacwad ah in ganacsatadu ay beegga ku xad gudbaan, markaas buu Ma’Muun waxa uu soo rogay amar uu ku joogaan beegga, ganacsatadiina way u hogaansameen amarkiisa, dadkiina way ku raali noqdeen, waxaana muhiim ah in dadka aan caqabad looga dhigin bisha maciishaddana lagu qaaliyeyn inta lagu guda jiro Ramadaanka.

Haddii aynu u nimaadno xagga waanooyinka, majaalista wanaagsan, iyo akhlaaqda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, waxay salafku ahaayeen kuwa ku amaanan, iyagoo fadhiyadooda kusoo qaadan jiray axaadiithta rasuulka SCW, waxayna qaarkood ahaayeen kuwa aqriya kitaabka saxiixul Bukhaariga, iyadoo ay soo xaadiri jireen jamaaco aad u badan oo kamid ah Muslimiinta.

Kuwaani waa qaar kamid ah Madaahirta iyo dhaqamadii ay Muslimiintu lahaayeen si ay usoo dhaweeyaan bishaan fadliga badan jiilashoodii iyo axwaashoodii kala duwaneydba, waxayna noo cadeyneysaa in umaddaan ay eheyd mid aan aqoonin daalka iyo ka gaabiska inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Xaaladahooda oo idil waxa ay u dhexeeyeen cibaado, wax bixin, tacliin, Masaajid camirid, iyo inay ku tartamaan acmaasha wanaagsan, sidaas ayay ahaayeen kamana suulin Muslimiinta inay ahaadaan illaa maanta.

Related Items

Update cookies preferences