Wariyaha Soomaaliga Caqiido Ma Leeyahay? (WQ: Cabdi Mahad)

Tuesday April 04, 2023 - 17:52:32
MeMO Staff
Sannadkii 2003 waa markii ugu horreysay ee aan saxaafadda kusoo biiray. Shaqada waxaan ka billaabay Warbaahinta la akhriyo (WARGEYS), waxaa ii xigay kuwa la dhageysto (IDAACAD) oo aan ku biiray 2004, halka 2013 aan ku biiray kuwa la daawado (TELEVISION). Kama bixin warbaahinta tan iyo xilligaas, waana muddo ku siman 20 sano, wax badan ayaana xog ogaal u ahay.

Soomaalidu waxay ku maah-haahdaa (sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad-galaan) ?. Akhriste waxaan marka hore kaaga cudurdaaranayaa dhab ahaantii inaanan kula wadaagi karin magacayga saxda, waayo waxaan ku noolahay magaalada Muqdisho oo sida aad ka warqabtid oo waayahan dambe uu ka jiro culeys dhanka xorriyadda hadalka ah.

Shaqsi ahaan inaan qalinka u qaato maqaalkan waxaa igu kallifay kadib markii aan arkay gefef halis badan oo haddii aan la sixin keeni kara dhaawac ku yimaado sumcadda saxaafadda iyo suxufiga Soomaaliyeed ee xorta ah, sidaa darteed waxaan damqin doonaa boogo, dabadeedna waan dhayi doonaa.

Waa Maxay Halbeeggeena Caqiidado Ee Wararka?

Marka hore haddaan tilmaan kooban ka bixiyo Caqiido, waxaa la yiraahdaa waa waxa uu qofku aaminsan yahay ee aan agtiisa shakiga lahayn. Sidoo kale caqiidada islaamka ayaa waxaa lagu qeexaa in si go’an loo aamino oo loo rumeeyo wixii uu Allaah kitaabkiisa ku sheegay, kana sugnaaday Nabi Muxamad naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee. Caqiidadu waa aas-aaska diinta, qofkana acmaashiisa lama aqbalo illaa ay caqiidadiisu saxanto.

Alle ha u naxariistee Abwaan Abshir Bacadle wuxuu ku gabyay "caqiidada nimaan toosinoow haba cibaadeysan”

Sannadihii dambe waxaa aad usoo badanayay gefefka wariyaasha ee ku aadan diinta, soomaalinimada, dhaqanka iyo taariikhda. Caalamka markaad fiiriso waxaa jira waxyaabo aysan suxufiyiintu dhaxdhaxaad ka ahayn amaba ay diin ahaan u ilaashadaan, laakin Soomaaliya si guud ma jiro wax u dhowran wariyaasheena.

Waxaan filayaa inaad yaabtay haddaad wariye tahay! waxba ha yaabin saaxiib, aniguba hortaa ayaan yaabay, is daji, hadduu shaah kuu dhow yahay shubo oo qac kasii, waxaan kusoo hordhigi doonaa cadeymo buuxa oo ka marqaati kacaya arrintaas aan sheegay, waxaa kale oo aan ku siin doonaa tusaalooyin nool-nool oo aad xaqiiqda ku fahmi doontid. Ugu dambeyntiina khiyaarka adiga ayaa leh.

DIINTA

Tan iyo waagaan soo galay saxaafadda waxaa tababarada ugu badan ee dhanka mihnadda warbaahineed dalkeena ka bixinayay khubarro reer galbeed ah iyo warbaahinadooda, mar haddey sidaa tahayna la yaab ma laha inaan inteena badan kala garan weyno ama aan fududeysano waxa diinteena dhaawacaya iyo waxa iska caadiga ah.

Soomaaliya 15-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa saxaafadda ka dhacay dambiyo aan caadi ahayn oo xadgudub ku ah diinta islaamka. Haddaan dhowr tusaale soo qaato, sannadkii 2010, Tv-ga Uviversal ayaa baahiyay sawir gacmeed lagu daabacay joornaal laga leeyahay dalka Denmark oo lagu aflagaadeynayay Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam.

Wuxuu noqday Tv-gii ugu horreeyay caalamka oo faafiya suuradda xun ee laga bixiyay Suubanaha, markaasi waxaan xasuustaa in agaasimaha Tv-ga uu difaacay gefka ay ku kaceen islamarkaasna uu muujiyay iney xaq u leeyihiin baahinta sawirrada noocaas ah!.

Sannadkii 2000 illaa 2005 waxaan usoo joogay qaar kamid ah idaacadaha Muqdisho oo maalinta Axada lagu xiri jiray kaniisadaha iyadoo dhanka kale aan fursad taa lamid ah loo oggoleyn masaajidda.

Ninka wariyaha ka ah warbaahintaas wax dhib ah uma arkeyn inuu ka shaqeeyo oo uu mushaar ka qaato idaacad kiristanka faafineysa oo kaniisada waqti badan siisay! Tusaalooyinkan markaan soo qaadanayo waxaan rabaa inaad ila qiimeysid akhirstow caqiidada wariyaha Soomaaliga ah.

Maanta xaaladdu wey kasii dartay sidii hore, haddii la arki jiray idaacad sii deeneysa sheekooyinka kaniisadda, waxaan u joognaa mareego badan (website) xayaysiinaya baybalka kuwaas oo qaarkood Idaacado leeyihiin. Marar badan waan kusoo hadal qaaday asxaabta qaar, laakin waxay iigu muuqdeen kuwa aan dhib u arkeyn in ay mareegtooda soo fuusho xayaysiinta Baybalka iyagoo markaa fiirsanaya dhaqaalaha kasoo galaya.

Sidoo kale waxaa waayahan aad usoo laba lixaadsaday eraybixinada ka dhanka ah diinta islaamka amaba meesha looga saarayo eray bixinada sharciga ah. Ila eeg eraygii iigu yaabka badnaa maalmahan! Todobaadkii lasoo dhaafay wararka ugu waaweyn ee ka baxay warbaahinta waxaa kamid ahaa eedaha kiiska loo heysto madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Qaar kamid ah warbaahinta dalkeena waxay warka u qaateen sidii ay kuwa shisheeye u dhigeen, kamana hufin waxyaabaha diinteena liddiga ku ah.

Iyagoo ka waramaya sababka kiiskaas ayaa waxay yiraahdeen sida tan: "waxay eedeymahaan la xariiraan dowrka Mr Trump uu ka qaatay lacag la siiyay XIDDIG hore ee jili jirtay filimaanta Galmada oo lagu magacaabo Stormy Daniels. Allaah baan kugu dhaarshaye, sidee bey XIDDIG ku noqotay haweeney ZAANIYAD ah oo jirkeeda ka ganacsata? Diinteenu ma amaantay mise wey dhalleeceysay qofka noocaas ah? Aaway diintii iyo caqiidadii? Maxaa Zinada loogu qurxinayaa dhallinyarada Soomaaliyeed?.

Cidda ay warbaahinteenu kasoo xigteen khabarkan waa BBC Somali


https://www.bbc.com/somali/articles/c4n9j712pwlo

Dhab-ahaantii maanta waxaanu noolnahay xilli la khaldayo mafaahiim badan. Warbaahinta dalkeena inteeda badan markaad dhageysatid waxaad ogaaneysaa iney ka tagtay xataa dhaxdhaxaadnimada aan xataa caqiidada ku saleysnayn. Kolka ay joogto Falastiin iyo Israel (Yahuuda) waxay u janjeeraan dhanka Yahuuda. Aniga ayaa dhagahayga ku maqlay wariye oranaya "ciidanka Israel oo 2 argagixiso ah ku dilay Gaza” halka warbaahinta kale ee dunida Muslimka ay warkan cinwaankiisa ka dhigteen "ciidanka gumeysiga Yahuuda oo 2 qof oo Muslimiin/ Falastiiniyiin ah ku dilay Qaza”

Sida la wada ogsoon yahay, asalka caqiidada qofka muslimka ahi waxay tahay, in uusan dhaxdhaxaad ka noqon Muslim iyo gaal, lana safto muslimka, laakin hadda waxaan arkaa taas cagsigeeda, gaal ayaa la amaanayaa oo magac qurxoon la siinayaa, muslimkana waa la quursanayaa, Falastiin iyo Israel oo kaliyana ma ahan ee waa meelo badan, waana sababta aan u iri: (WARIYAHA SOOMAALIGA CAQIIDO MA LEEYAHAY?)

Soomaalinimada

Haddaan iraahdo 90% wariyaasha Soomaalidu ma laha mabda’ ku aadan Soomaalinimada, waxaan filayaa inaanan ku dambaabeynin. U fiirso marka ay ka hadlayaan dhulalka la heysto ee Soomaalida sida:- kan ay naga heysato Kenya iyo kan Itoobiya gacanteeda ku jira.

Dhulalkaasi siida la wada dheregsan yahay waxaa leh ummadda Soomaaliyeed, waa dhulal baaxad leh oo asalkoodii lagu kala qeybsaday shirkii dulmiga ahaa ee Baarliin 1884, mana jiro meel ay Soomaali ku aqbashay qeybsigaas oo markii dambe hadiyad looga dhigay labada dal ee Itoobiya iyo Kenya. Waxaad arkeysaa ama aad maqleysaa wariye ku hadaaqaya MAGAALADA JIGGIGA EE DALKA ITOOBIYA iyo magaalada WAJEER EE KENYA!.

Yaa u sheegay wariyahaas ama warbaahintaas in dhulalkaas ay leeyihiin Kenya iyo Itoobiya? Dabcan waa eray bixinadii ay noo meeriyeen warbaahinta ajnabiga ah iyo siyaasiyiinta labadaasi dal? Arrintaas miyaaney ahayn khiyaano iyo xadgudub loo geysanayo ummadda iyo dhaxalkeeda? Ka waran haddii faca yaryar ee soo kacaya waxaas loo sheego?.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa buug uu qoray oo dhawaan lagu soo bandhigay Adis Ababa ku sheegay in buurta Kaaraa-mara (Kaaraamardha) oo u dhow Jigjiga uu taallooyin uga dhisayo ciidankii Xabashida ee lagu laayay dagaalkii 1977. Dabcan waa hadal gef ah oo uu ku doonayo inuu dadkiisa ku dareensiiyo higsigiisa, kuna mideeyo. Haddaba waxaa warkaas isaga ah ka dhiidhiyay warbaahin fara kutiris ah oo hal iyo labo ah, inkastoo shacabka Soomaaliyeed ay baraha bulshada ka muujiyeen dareen wanaagsan oo Soomaalinimo ah.

Dowlado badan ayaan ka tanaasulin dhulalkii laga qaatay, tusaale Kenya iyo Uganda waxay isku heystaan dhul, ma arkeysid wariye Kenyaan ah oo dhulkaasi u sharciyeynaya Uganda ama wariye Uganda u dhashay oo dhulkaasi siinaya Kenya. Sidoo kale Bakistaan waxaa dhul ka heysta Hindiya, mana arkeysid wariye Bakistaani ah oo dhulkaasi u sharciyeynaya Hindiya, maxaa yeelay mid walba wuxuu difaacanayaa mabda’a dhuleed ee uu aaminsan yahay gar iyo gardarraba.

Dhan kale markaad ka eegtid wariyaha Soomaaliga, waa laba wajiile. Waxaan garanayaa saxafiyiin badan oo sannadkii 2006 illaa 2009 aad uga hadli jiray cadaawadda ciidamadii Itoobiya ee wadanka qabsaday iyo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf ee ay la socdeen, laakin raggaaas maanta waxay difaacayaan oo waliba ammaanayaan Xabashida, marka la weydiiyo sababtana waxay ku hadaaqaya "maslaxad ayaa naga dhaxaysa” ogow wariyahaasi wuxuu shalay cadaw u arkayay Xusseen Xuubsireed iyo raggii lamidka ahaa ee madaxtooyada kasoo amaanayay Xabashida, maantana isagii ayaa kaalintoodii galay, kaaga sii darane ma ogola in loo eedeeyo sidii uu Xuubsireed u eedeyn jiray oo waxaa ka soo horreeya awood sheegashada iyo xarigga!

Haddaba adiga ayaan ku weydiinayaaye, waa noocee caqiidada uu heysto qofkaas?

Dhaqanka

wixii ka dambeeyey markii ay burburtay khilaafadii Islaamka, waxay dowladaha reergalbeedku go’aamiyeen iney muslimiinta la galaan dagaal dhanka fakarka ah, waxyaabaha ay ku taliyeen waxaa kamid ahaa in la burburiyo akhlaaqda, in la suurad xumeeyo wax walba oo islaamka xiriir la leh, lana buunbuuniyo mabaadi’da kasoo horjeeda.

Hadda waxaa muuqda in dagaalkaas uu si ba’an ugu socdo Soomaalida, waxaana laba tusaale oo kaliya kasoo qaadanayaa musalsal ka baxayey mid kamid ah warbaahinada madaxabannaan ee magaalada Muqdisho oo shacbaankii soo gabagaboobay. Qeyb kamid ah musalsalka waxaa lagu liidayaa macallimiinta dugsiyada Qur’aanka.

Wiil kamid ah jilayaasha ayaa guri imaanaya, gabar ayuu salaamayaa, waxaa la weydiinayaa ma damac ayaa kaa galay gabadha, markaas ayuu si quursi leh oo xoshood la’aan ah u sheegayaa inuusan waxba ku faleyn oo aysan u qalmin, wuxuuna ku baaqayaa in macalin dugsi la siiyo!. Musalsalkaas wuxuu sidoo kale gudanayaa farriin ku baaqeysa in dhalmada la iska yareeyo, iyadoo aan ogsoonnahay in Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam uu dhiirageliyey dhalmada badan, ragga muslimiintana faray iney guursadaan haweenka dhalmada badan.

Jilaaga filimka ayaa gabadha ku oranaya "waxaan rabaa inaan sameysto qoys yar oo tayo leh”, eraygaas waliba dhowr mar ayaa lagu soo celceliyay si dadka loogu xumeeyo dhalmada badan ee ay diintu ammaantay. Waxaan ma ahan khalad dhacay, balse waa ula kac, waayo ragga hormuudka ka ah filimka waxay sheegeen in la qoray dhammaan sheekada, lagana baaraan dagay waxa uu qof walba ku hadlayo!.

Suxufiyiin kale waxay ka gaartay iney ooyaan mararka qaar ee ay tabinayaan ciyaaraha horyaallada Yurub, waxaan arkay qaar ay illintu ka qubaneyso iyagoo u qiireysan Ronaldo oo gool dhalinaya, kuwa kalana ooyinta ayay ceshan waayeen markii Messi iyo Mbappé ay goolal dhaliyeen!.

Miyaaney wariyaashaasi ogeyn halista ficilladaasi. Nabiga Naxariis iyo Nabadgalyo dushiisa ha ahaatee wuxuu sheegay in qofku uu miciisa noqonayo qofka uu jecel yahay. Imisa saxaabo ayaa ku farxay warkaan markey arkeen iney gaalada neceb yihiin oo Nabiga Allaahna ay jecel yihiin?. Bal ka waran haddii aakhiro lagula soo bixiyo gaaladaas aad u ooyeyso.?

Haddaba markaan arkay Intaas oo dhan ayaa waxaa ii soo baxday in wariyaasha Soomaaliyeed aysan lahayn caqiido illaa in yar oo uu Alle u naxariistay mooyaane, waa inta ka badqabta cudurada aan soo tilmaamay iyo kuwa lamidka ah.

Maxaa Xal Ah?

Inta badan warkeygu wuxuu ku socdaa suxufiga madaxa bannaan ee sida xorta ah u fakari kara go’aankana qaadan kara. Marka hore waxaad ogaataa suxufiga Soomaaliyeedow, inaad la mid tahay dadka kale ee Muslimiinta ah, kuna saaran yahay waajibaadka dadka laga rabo, haddey tahay mid diineed iyo haddey tahay mid ummadeedba.

Alle wuxuu suuradda Aala-cimraan ku sheegay inaan nahay umadaha lasoo saaray midda ugu kheyrka badan, sababta aan kheyriyaddaas ku muteysanay waa laba arrimood oo haddii na laga waayo aan lumineyno darajadaas weyn, waxayna kala yihiin wanaagga oo la faro iyo xumaanta oo la reebo. Wanaagga oo la faro waxaa ugu weyn towxiidka, xumaanta oo la reebana waxaa ugu weyn shirkiga. waxaan ku talinayaa in aan bulshada ka ilaalino wax walba oo caqiidadooda dhaawacaya, sida in gaalada la buunbuuniyo oo gacal laga dhigo ama dhaqamadooda xun loo suureeyo ilbaxnimo.

Waxaan ku talinayaa inaan munkarka reebno, haddaanan reebi karinna aanaan ka qeyb qaadan faafintiisa. Munkarka waxaa kamid ah in haweeney zaayiyad ah la yiraahdo "XIDDIG” ogow waxaa labadeena garbood saaran Raqiib iyo Catiid, wax walba oo aan ku hadleyno waa la diiwaan galinayaa, maalinta aakhirana xisaab ayaa naga horreysa.

Ugu dambeyntii waxaan nafteyda iyo tiinaba u dardaarmayaa inaan runta iyo cadaaladda ku dadaalno oo aan xog ogaal u noqono xaaladda la marayo. Waxaan joognaa wadan uu dagaal diimeed ka socdo, wararka aan sheegeyno haddaan eex ku sameyno ogow Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (libaax nin ganay iyo nin galladay labadaba og) waxaa noo dan ah inaan ilaalino anshaxa saxaafadda, si nabad ahna aan ku shaqeysano.

Si kastaba ha ahaatee, ballanteenu waxay tahay cabsida Alle, caqiido saafi ah, caqli saliim ah si aynaan u noqon ma liibaanayaasha lagu liibaano!

WQ: Cabdimahad

Fakarka maqaalka looma tiirin karo mareegta SomaliMeMo wuxuu u gaar yahay qoraaga.


Related Items

Update cookies preferences