Wilaayada Islaamiga Baay oo billaawday olole lagula dagaallamayo Kaneecada [Sawirro].

Tuesday May 09, 2023 - 10:09:35
Liibaan Jeexoow
Maamulka wilaayada islaamiga ah ee Baay ayaa olole nadaafadeed lagula dagaallamayo cayayaanka kaneecada ka billowday degmada Buulo fulaay ee xarunta wilaayada islaamiga ah ee Baay, maadaama lagu jiro xilli roobaadka Gu'ga.
Olole nadaafadeedkaan ayaa si rasmi ah kaga billowday degmada Buulo-fullaay, waxayna wilaayadu diyaarisay koox caafimaad iyo qalab kala duwan oo loogu talagalay la dagaallanka cayayaanka Kaneecada, oo ah xasharaad dhibaato badan ku haya bulashada ku dhaqan dhammaan gobollada Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences