Saakow Oo Looga Dabaal Degay Maalinta 01-Aad Ee Ciidul Adxaa (Sawirro)

Wednesday June 28, 2023 - 10:32:07
Liibaan Jeexoow
Boqolaal ka mid ah Bulshada Muslimiinta ah ayaa maanta isugu soo baxay Fagaaro weyn oo ku yaal Degmada Saakow ee wilaayada islamaiga ah ee Jubooyinka , Halkaas oo ay ku dukanayeen Labada rakco ee salaada Ciidul Al-Adxaa Al-Mubaarak
Bulshada ayaa wajiyadooda laga dheehanayay Farxada ciida , iyagoona ku labisnaa Dhar waafaqsan shareecada islaamka , wexeyna isug tahniyadeynayeen Farxada Maalinka koowaad ee munaasabada ciidul Al-Adxaa Al-Mubaarak oo maanta laga oogay caalamka.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa 2-da rakcadood ee salaadda ciida dujiyay dadweynaha isugu yimid fagaaraha.

Related Items

Update cookies preferences