PRESS RELEASE: AFRICOM is Guilty of Murder and Cover-up

Saturday September 09, 2023 - 20:46:39
Liibaan Jeexoow
Mu'assada Al-Kataib ayaa soo saartay bayaan ku qoran luqada English-ka kaas oo lagu fadeexeeyay taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM.
Bayaanka oo cinawaan looga dhigay "AFRICOM Shacab ayay xasuuqday, kadibna way inkirtay" ayaa lagu sheegay in warkii kasoo baxay AFRICOM ee ahaa inaysan iyagu dilin caruurtii iyo ayeeyadii ay ku xasuuqeen deegaanka Ood-weyn ee Galguduud uu yahay sheeko xariir iyo caqli-xumo aanay cidna rumaysan karin.

Bayaan Al-Kataib waxaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanku ay u qaateen maydadka shacabkii ay xasuuqeen si ay u qariyaan raadadka jariimadii ay gasyteen, isla markaasna xasuuqii dhacay ay dusha ka saareen dowladda Federaalka.

"Beegsiga iyo xasuuqa ilmaha iyo dumarka masaakiinta ah waa fadeexad aanan waligeed ka hari doonin AFRICOM, waxaanan mar labaad idiin xaqiijinaynaa inaan dadkaas dhiigooda la ilaawi doonin" ayaa lagu yiri bayaanka AS.

Ugu dambayn, bayaanka AS ayaa lagu faray AFRICOM inay dib usoo celiyaan maydadka shacabkii ay xasuuqeen si ehelladoodu u aastaan.
"Murugada haysata qoysaska ha ugu darina muruga kale oo ah inaad u diidaan fursad ay ku aastaan gacaladooda" ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka AS.

Halkan ka akhri bayaanka oo PDF ah

Related Items

Update cookies preferences