Sudan oo ku eedaysay Immaaraatka inuu hubaynayo kooxda RSF.

Wednesday November 29, 2023 - 15:17:18
Idriis Ali
Sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Sare ee Ciidamada Sudan oo lagu magacaabo Yaser Al Atta ayaa dalka Immaaraatka ku eedeeyay in ay si toos ah hub u siinayaan xoogagga RSF ee dagaalka kula jira dowladda.
Hadalka taliyahan sare ee ka tirsan Ciidanka Sudan ayaa ku soo beegmaya xilli qaar kamida saxaafadda Reergalbeedka, Siyaasiyiinta Sudan iyo qaybo kamida dadka shacabka ahi si weyn uga dhawaajiyeen in xukuumadda UAE ay taageerayso mucaaridka RSF isla markaana ay siiyeen hub iyo saanad millateri.

"Macluumaadka aanu ka helayno Ciidanka Sirdoonka, Millateriga iyo diblomaasiyiinta dibeddu waxa ay tilmaamayaan in UAE ay saanad millateri gaarsiisey malleeshiyada Janjawiid iyada oo la soo marsiiyey gegada diyaarada Entebbe ee Uganda” ayuu yiri Yaser Al Atta.

Waxa kale oo uu intaa ku darey sarkaalkani in markii hubka loo gudbinayey malleeshiyada Janjawiid ay qayb ka ahaayeen kooxo qawleysato ah oo u dhashey dalka Chad.

"Waanu ixtiraameynaa dadka reer Chad, waa dad aanu nahay walaalo isku dhiig, diin iyo afba ah laakiin waxa ku jira kooxo calooshood u shaqeysteyaal ah kuwaasoo u shaqeeya gumeystaha cusub”. Ayuu raaciyey.

Sudan ayaa dagaal ka socdaa tan iyo 15 April isla markaana aan xal loo helin. Isku dayo dhowr ah ayaa fashilmey sida wadahadalladii lagu qabtey Sucuudiga.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences