Dowladda Mareykanka iyo Xarakada Daalibaan Oo Heshiis Maxaabiis Isweydaarsi Ah Kala Saxiixday.

Sunday June 01, 2014 - 09:44:07
8519
Super Admin
Kadid wadahadal waqti dheer qaatay oo dhaxmaray dowladda Mareykanka iyo mas'uuliyiin katirsan Imaarada islaamiga Afghanistan ayay labada dhinac ku heshiiyeen Maxaabiis iswedaarsi.
Wadahadallada oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qadar ayaa guul kusoo idlaaday waxayna labada dhinac ee muslimiinta iyo gaalada isweydaarsadeen maxaabiis.

Xarakada Daaliban Afghanistan waxay sii daysay Askari American ah oo sanaddii 2009 ay ku qabatay dagaal ka dhacay qeybo katirsan Afghanistan.

Bowe Bergdahl ayaa xurriyadiisa dib u helay sidoo kale 5 katirsan saraakiisha mujaahidiinta oo 13 sanadood noloshooda kusoo qaatay xabsiga fadeexada ku caanbaxay ee Guwantanama ayay dowladda Mareykanka sii daysay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Telefeshinka Al Jazeera u sheegay in maxaabiista daalibaan loosii daayay uu kamid yahay wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladdii islaamiga Afghanistan iyo taliyaal ciidan oo muhiim ah.

illaa iyo hadda war rasmi ah oo ku saabsan heshiiska maxaabiis isweydaarsiga ah kamasoo bixin mujaahidiinta Daalibaan Afghanistan.

Isha Warka:Aljazeera

Related Items

Update cookies preferences