Xasan Gurguurte oo socdaal u eg dawarsi ku jooga dalka Mareykanka.

Tuesday December 12, 2023 - 17:41:36
Idriis Ali
Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa gaaray Xasan Sheekh Maxamuud oo ah hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xasan Gurguurte iyo xubno katirsan dowladdiisa ayaa ka qeyb gelaya shir lagu sheegay taageerada amniga Soomaaliya, sida ay wararku sheegayaan kulanka magaalada New York ayaa dhaqaale loogu aruurinayaa maleeshiyaadka DF-ka oo laga cabsi qabo in ay hanan waayaan amniga dalka marka ay si dhammeystiran ubaxaan ciidamada shisheeyaha ATMIS.

Xuseen Macallin oo ah lataliyaha dhanka amniga ee Xasan Gurguurte ayaa warbaahinta u sheegay in shirka New York ay u tuugsanayaan dowladaha reergalbeedka sidii ay usiin lahaayeen dhaqaale lagu hubeeyo maleeshiyaadka dowladda.

Kadib 16 sano oo ciidamada shisheeye ay waardiyaynayeen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dabadhilifyada ah ayaa lafilayaa in dabayaaqada sanadda 2024 lasoo afjaro howlgalkii Ururka midowga Afrika ee Soomaaliya isagoo aan xaqiijin hadafkii loogu talagalay oo ahaa in la burburiyo maamullada islaamiga ah ee kajira Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,

Related Items

Update cookies preferences