IGAD Ilowsho Dhawaa Ma Umul Baa? (Maqaal) Qore Jaamac Dhoorre.

Saturday January 10, 2015 - 12:07:33
Super Admin
Maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 10-01-2015 waxaa magaalada Muqdisho shir uga furmayaa ururka Igad ee ay majaraha u heyso dowladda Nasaarada ah ee Itoobiya, taasoo ah cadawga kowaad ummada muslimka ah ee Soomaaliyeed.


Kumannaan ruux o ku dhaqan caasimadda ayaa imaanshaha Igad ku waayay shaqooyinkoodii iyo wax barashadoodii kadib markii ciidamada shisheeye iyo kuwa dowladdu xannibeen wadooyinkii lagu socdaalo lahaa oo ay ugu horeyso tan Maka Al-mukarama oo marin u ah jaamacado iyo iskuulo badan.

Ma ahan wax cusub in madax shisheeye ay tagaan magaalada Muqdisho kuna shiraan Xalane, Madaarka, Madaxtooyo iyo meelo lamid ah oo ay ku hareereysan yihiin dhagxaan iyo ciidamo fara badan oo ku hubeysan Kaarayaal. Balse su'aasha is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, maxaa ururka Igad oo heli karay dalal amni u ah oo ay ku shiraan ku khasbay iney magaalada Muqdisho isku soo biimeeyaan?.

Dhowr arimood oo jira awgood ayey ila tahay in arrintan ay sababeen, waa midda kowaade, in beesha caalamka oo ka niyad jabtay hawl galka Amisom iyo ammaanka magaalada Muqdisho loo muujiyo in xaaladdu caadi tahay, in niyadda loo dhiso madaxda ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho, in askarta Amisom lala qeybsado murugada xanuunkii ku gaaray weerarkii Xalane iyo in shacabka magaalada Muqdisho loo muujiyo in gumeystuhu wali nool yahay.

Shirkan Igad ayaa waxaa xigi doona socdaal ay isku ujeedo yihiin oo uu isna magaalada Muqdisho ku imanayo madaxweynaha dalka Turkiga.

Weerarkii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane bishii lasoo dhaafay wuxuu culeys weyn ku keenay madaxda dalalka soo diray ciidamada shisheeye, waxaana tusaale loo soo qaadan karayaa warkii kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Uganda ee ahaa inaan wax mag dhow ah laga siin askarta uga dhimatay Soomaaliya oo ay ugu dambeeyeen sideed looga dilay weerarkii Xalane.

Arimahan iyaga ah ayaa wasiirada arimaha dibadda Igad ku kallifay iney nafsadooda keenaan magaalada Muqdisho iyagoo u bareeray khatar ammaan maadaama uu wali sii muuqdo dhiiggii ka daatay madax cadaan iyo madow isugu jira oo dharaar cad loogu galay Xerada Xalane. Igad waxay ku sifoobeen maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd (ilowsho dhawaa ma umul baa) Bal aan aragno wuxuu soo kordhiyo shirka dicaayadda Xambaarsan ee IGAD.

Qore Jaamac Dhoorre.


 


Related Items

Update cookies preferences