Malaysia oo dekedaheeda ka mamnuucdey shirkadda Xamuulka ZIM ee Yuhuudda.

Wednesday December 20, 2023 - 09:12:18
Idriis Ali
Dalka Malaysia ayaa ka mamnuucay Shirkadda Xamuulka ee ZIM in aaney ka shaqayn karin dekedaheeda laga bilaabo maanta oo Arbaca ah.

Raysal Wasaaraha dalkaasi Malaysia ayaa bayaan uu soo saarey ku sheegay in ay tani jawaab u tahay falalka ka dhanka bina aadannimada ee Yuhuuddu ka geysanayso Marinka Qaza.

Shirkadda Zim ee fadhigeedu yahay Israel ayaa la aas aasey sida la sheegay sannadkii 1945-kii isla markaana waxa ay shaqada si rasmi ah u bilowdey 1948.

Dalka Malaysia ayaa ku biirey dalalka Islaamka ah ee cunaqabateynta ku soo rogey maamulka Yuhuudda. Dalka Yemen gaar ahaan xoogagga Xuutiyiinta ayaa hore u iclaamiyey cunaqabateynta Yahuudda ee dhanka Badda Cas.

Halka maamullo ay kamid yihiin Immaaraatka, Sucuudiga iyo Jordan oggolaadeen in marinno dhulka ah loo marsiiyo badeecadaha kala duwan ee Sahaayinada.

Related Items

Update cookies preferences