Fatahaado ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay wadanka Congo.

Wednesday December 27, 2023 - 15:21:43
Idriis Ali
Saacadihii ugu dambeeyay roobab waaweyn oo ka da'ay dalka Koongo ayaa sababey dhimashada ugu yaraan 22qof oo toban kamid ahi isku qoys yihiin. Roob weyn oo saacado xiriir ah ka da'ayey degmada Kananga ee gobolka Kasia ayaa burburiyey guryo badan sida uu sheegay guddoomiyaha gobolkaas John Kabeya.
Shan ruux oo dhimasho ah ayaa la xaqiijiyey wakhti dambe halka 17 horena ay jireen taas oo dhimashada ka dhigeysa 22 ruux.
Dhanka kale 10-ka ruux ee isku qoyska ah ayaa la sheegay in uu derbi ku soo dumay sida uu guddoomiye Kabeya xaqiijiyey.

Roobab waaweyn oo bishii May ee sannadkan ka da’ay Congo waxa ku naf waayey 400 oo qof. Sidoo kale waxa lagu soo warramayaa in roobabku ay waxyeelleeyeen kaabayaashii dhaqaale sida waddooyin, guryo iyo hanti kale oo badan.

Waxa wararku intaa ku darayaan in dad badan la la’yahay tan iyo maalinnimadii Axaddii. Roobabka ayaa Axaddii diley ugu yaraan 4 qof halka illaa 20 kale la la’yahay.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences