Diyaarad Drones ah oo 3 askari American ah ku dishay saldhig kuyaal dalka Urdun.

Monday January 29, 2024 - 12:56:13
Idriis Ali
Taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerar loo adeegsaday diyaarad Drones ah lagu dilay sedax katirsan ciidamadooda ku sugan dalka Urdun.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in weerarka lagu dilay 3 askari American ah islamarkaana lagu dhaawacay 34 askari kuwaas oo ku sugnaa saldhig kuyaal xuduud beenaadka ay wadaagaan dalalka Suuriya iyo Urdun.

Weerarka waxaa geystay diyaarad Drone ah oo ay adeegsanayeen wakiillada Iiraan ee mandiqadda Bariga dhexe, Mareykanka ayaa weerarkan askarta looga dilay ku sifeeyay mid xaalad halis ah sii gelin doono mandiqadda oo idil.

Joe Biden oo ah madaxweynaha Mareykanka ayaa isna ku goodiyay in ay si adag uga jawaab celin doonaan weerarkan lagusoo qaaday saldhiggooda.

Koox Shiico ah oo lagu magacaabo ‘Muqaawamada Islaamiga Ciraaq’, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida ay faafisay wakaaladda wararka AP.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in weerarkan lagu dilay askarta American-ka ah uu jawaab celin uyahay weeraro xagga cirka ah oo bishan gudaheeda ka dhacay magaalada Dimishiq kuwaas oo lagu beegsaday saraakiil katirsan ciidanka Kacaanka Iiraan.

Related Items

Update cookies preferences