Qatar: waxaanu ka shaqaynaynaa xabbad-joojin muddo dheer oo ka hirgasha Marinka Qaza

Wednesday March 13, 2024 - 07:13:08
Liibaan Jeexoow
Afhayeenka u hadley Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qadar Maajid Ansaari ayaa ka dhawaajiyey in Dawxa ay ka shaqaynayso sidii xabbad joojin muddo dheer qaadata loogu soo dabbaali lahaa xaaladda cakiran ee Marinka Qaza. Maajid oo hadley maanta oo Salaaso ah ayaa intaa raaciyey in bishan Ramadaan ay awoodda saarayaan sidii heshiis is faham loo gaari lahaa.
"Uma dhawin in aanu gaarno heshiis xabbad joojineed oo ka hirgala Marinka Qaza haddana sidaas oo ay tahay ma niyad xumin” ayuu yiri Maajid.
Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Qadar aanay ka daalaynin ku baaqidda baahida loo qabo marin gargaar oo la gaarsiiyo Qaza iyada oo aan shuruud ku xirneyn.

 Dhanka kale waxa uu tilmaamey ahmiyadda ay leeyihiin marinnada berriga ee gargaarku isla markaana aan lagu beddeli karin marinno badeed.
Ugu dambeyn waxa ay tibaaxdey Wasaaradda Dibedda ee Qadar in Wasiirka Khaarajiga Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala Thaani uu Kaaliyaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka kala hadley sidii xabbad joojin rasmi ah looga gaari lahaa Marin Qaza.

Dagaalka ka socda Qaza ayaa soo bilaabmey bishii October ee sannadkii tagey waxaana uu ka tagey ku dhawaad 31kun oo shahiid halka tirada dhaawacu kor u dhaafeen 72kun oo u badan haween iyo carruur.

Warsame Warfaa


Related Items

Update cookies preferences