R/wasaaraha dowladda Federaalka oo Nairobi ki saxiixayo heshiis muhiim u ah beeralayda Khaatka Kenya.

Monday May 06, 2024 - 16:28:31
Liibaan Jeexoow
Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa gaaray Xamza Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha dowladda Federaalka.
Safarka Xamza ayaa la sheegay in uu daaranyahay sidii oo heshiisyo dan u ah shacabka Kenya ulasoo saxiixan lahaa xukuumadda Nairobi.

R/wasaaraha dowladda Federaalka ayaa dowladda Kenya usaxiixaya in kumanaan kun tan oo maandooriyaha Khaatka Miirooga loosoo daabulo dalka Soomaaliya.

Safarka Xamza Cabdi Barre waxaa gadaal ka riixayay Xasan Gurguurte oo horay dowladda Kenya ulasoo saxiixday heshiis dhigaya in suuqyada Khaatka Koonfurta Soomaaliya loo xiro beeralayda Kenya.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in beeralayda Kenya ay sare uqaadaan wax soosaarkooda islamarkaana maalin walba ay Soomaaliya usoo dhoofiyaan kumaan tan oo maandooriya ah.

Wasiirka beeraha Kenya ayaa bishii lasoo dhaafay ku faanay in dowladad Xasan Sheekh ay lasaxiixan doonaan heshiis dhaqaale boqolaal milyan oo dollar ah bil walba kusoo xarayn doono khaznadaha maaliyadda Kenya.

Ka hor socdaalka Xamza Cabi Barre ee magaalada Nairobi boqolaal kamid ah beeralayda Khaatka Meeru ayaa dhigay iskusoo bax ay kusoo dhoweynayaan imaanshiyaha R/wasaaraha dowladda Federaalka oo ay sheegeen in uu saxiixi doono heshiis dhankooda uleh manfac dhaqaale.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qodobada heshiiska uu saxiixayo Xamza Barre ku jiro ay kamid yihiin in canshuur dhaaf loo sameeyo beeralayda Khaatka Kenya marka ay maandooriyaha udhoofinayaan qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya.

Dhaqaalaha kasoo xarooda Khaatka lagasoo dejiyo garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa kala qeybsada Xasan Gurguurte iyo xubno katirsan Xisbigiisa kuwaas oo heshiisyo khaas ah kula jira dowladda Kenya

Related Items

Update cookies preferences