55 qof oo ku shahiidy Qaza iyo duqeymaha Rafax oo sii socda.

Wednesday May 08, 2024 - 19:23:59
Liibaan Jeexoow
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin waxa ay sheegtay maanta oo Arbaca ah in guud ahaan dadka ku shahiidey Marinka Qaza saacadihii ugu dambeeyay ay gaareen 55qof oo dhimasho iyo 200 oo dhaawac ah.
Waxa sare u kacdey guud ahaan shuhadada guud ee ku nafweyday dagaalka kuwaas oo gaaraya 34,844 qof halka dhaawacuna ay yihiin 78,404.

Macbarka Rafax ayaa ku yaalla xuduudka Falastiin la wadaagto Masar kaas oo guud ahaanba Yuhuuddu sheegtay in ay xirtey. Goobtan ayaa ahayd meelihii uu tibaaxayey heshiiskii Camp David ee 1978 in ay ka caaggan tahay ciidammada. Balse Yuhuuddu waxay jabiyeen heshiiskaas sida ay u muuqato.
Dawladda Masar waxa ay weli ka aamusan tahay waxa ka dhacaya xuduud beenaadka Rafax.

Warsame Warfaa

Related Items

Update cookies preferences