Al Shabaab oo sheegtay mas'uuliyadda qaraxyadii saraakiisha lagu laayay ee ka dhacay duleedka Bardaale.

Saturday June 15, 2024 - 14:41:28
Liibaan Jeexoow
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Baay.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Bardaale ayaa sheegaya in qaraxyo maanta barqadii halkaas ka dhacay lagu burburiyay laba gaari oo nuuca dagaalka ah.

Qaraxyadan oo ahaa kuwa mantaana ah waxaa ku dhintay saraakiishii ugu sarraysay ciidamada DF-ka ee ka howlgala gobolka Baay.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ay dhinteen saraakiisha kala ah Max'med Dheere oo ahaa taliyihii guutada 8aad ee qeybta 60aad.

Ciise Kuusoow oo ahaa taliyaha gaaska guutada 8aad, Cabdi Salaan Xaaji Fiidoow guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor iyo nin magaciisa lagusoo gaabiyay Mahad oo darawal u ahaa Max'med Dheere.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxyadan khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay duleedka degmada Bardaale sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Related Items

Update cookies preferences