Sannadkii 1963kii, markii dalalka la isku yiraahdo Bariga Afrika(East
Africa), kana kooban saddexda dal ee kala ah Keenya, Tanzaaniya iyo
Ugandha, ay xornimo beenaadka ka qaateen gumeysigii Ingiriiska, ayaa waxa
madaxdii dalalkaas casumaad u fidiyey madaxweynihii dalka Maraykanka ee
xilliggaas, John. F. Kennedy, maaddaama Maraykanku isu arkayey in uu isagu
yahay kan bud-dhigaha u ah xornimo helidda dadyow badan oo gacanta gumeystihii
Ingiriiska iyo Faransiiska ku hoos jiray. Casumaaddii loo fidiyey madaxda
dalalkaas, waxa weheliyey, oo isna casummaaddii ka qeyb galay,
Raiisal-wasaarihii dalka Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Allaha u
naxariistee. Sababta Soomaaliya loo casumay ayaa ahayd in xilliggaa Soomaaliya
ahayd dal ay reer Galbeedku u arkaan in uu xaggooda u janjeero siyaasad ahaan,
dawlad rayid ah, dadkuna soo doorteen ay dalka ka taliso.
Dalalkii casumaadda loo fidiyey madaxdoodii markii ay la
kulmeen madaxweyne Kennedy, waxa uu hoggaamiye walba ku wargeliyey in uu
weydiisto wixii kaalmo ah oo uu u baahan
yihiin maaddaama ay yihiin dalal cusub oo u baahan in ay beesha caalamka la
jaan-qaadaan. Hoggaamiye walbaa waxa uu weydiistey dawladda Maraykanka wixii uu
markaa dan u arkayey. Raisal-wasaare Cabdirashiid waxa uu weydiistey Kennedy
hub, sababta oo ah danta Soomaalidu waxa ay ahayd in ay hesho cudud ciidan oo
ay kula dagaallanto dalalka Soomaaliya dhulalka ka haystaa, oo ay ugu horreyso
Itoobiya, Keenya iyo xeebta Jabuuti, oo markaa gacanta gumeysiga Faransiiska ku
hoos jirta.
Su’aasha markaa la isweydiin karo ayaa ahayd Soomaalidu
hubkan yey kula dagaallamaysaa?
Jawaabta oo ah mid aan u baahneyn in meel fog laga raadiyo
ayaa muujisey in hubka Cabdirishiid ka codsaday Kennedy uu khatar iyo dhibba ku
yahay danaha Maraykanka ee Bariga Afrika, sababta oo ah Itoobiya, Keenya iyo
Faransiisba waa garabka Maraykanka, kana mid ah xulufada reer Galbeedka ee hoos
taga gaashaan-buurta NATO, dalalkaasina waa kuwo iyaga la ilaalinayo, sidaa
darteed hubkaa uu Cbadirashiid ka codsaday Kennedy ma ahan mid uu Cabdirashiid heli
karo ama loo oggolaan karo. Cabdirashiid oo lagu tilmaamo in uu ahaa nin
waddiniyaddu ku dheer tahay ayaa dareemay in uusan hubkaa helayn, hadalse ka
fakaday, waxa uuna u soo kicitimay dalka Masar, oo Jamaal Cabdinaasir marka
horjooge ka ahaa, waxa ayna isla garteen in ay u jeestaan, jaalna ka raadiyaan
xagga reer Bariga iyo xulafadii uu markaa hoggaaminayey Midowga Sofiyeeti.
Dad badan oo Soomaaliyeed, arrimaha xagga ciidammadana
aad ugu xeeldheer ayaa aaminsan in ciidankii Soomaaliyeed ee mar Afrika ka
sheegganaa uu ka dhismay xiriirkii Midowga Sofiyeeti iyo Soomaaliya ee
lixdamaadkii bilowday. Haddaba qaddarkan yar ee taariikhda ah waxa aan u soo
qaatay in aan is-bar-bar dhig ku sameeyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo kan
uu dhalay ee Cumar la yiraahdo, taas oo u muuqata in Cabdirashiid ahaa nin rag
ah, laakiin uu yahay Mas Abur dhalay. Noolaha Aburka la
yiraahdana Soomaalidu waxa ay ku sheegtaa in uu yahay Mulac ama Bulacninba sida uu u yaqaan waxna aan dili karin, carruurtuna ku ciyaarto.
Dadka Soomaaliyeed ee dhaqanka miyiga aad u yaqaan ama
miyiga ku garaadsaday waxa ay garanayaan in aqal Soomaaliga ama Buulka reerku
leeyahay raartiisa ama gadaasha dambe ay ku xiran tahay Sellad ama Saab, kaas
oo dumarku ay ku ritaan wixii qalab ah ee ka af beela sida Muduca, Madiisha iyo
Maxaarka wax lagu tolo. Saabkaas markii loo baahdo ayaa gacanta la geliyaa oo
laga baar-baaraa qalabkan aan xusay ee wax lagu tosho, waxaana Selladda laga
helaa qalab waa hore lagu tuuray, sidaa darteed gaalo oo dhammi inta ay Selladahooda
baareen ayey ini Cabdirashiid ka soo heleen, taas oo muujinaysa in ay Selladahoodii
ka waayeen wax ina Cabdirashiid dhaama xaggooda, maaddaama uu markii labaad
garoonka siyaasadda soo koray.
Allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa ay
isu maandhaafeen Kennedy, u dagaallanka dhulalka Soomaaliyeed ee maqan, gacanta
cadowgana ku jira, laakiin Cumar oo ah ini Cabdirashiid waxa uu u heellan yahay
in uu gumeysi geliyo intii uu aabbihii xornimada kaga tagay, iskaba daa in uu
mid maqan xoreeyee. Haddaba akhristow miyaan la oran karin Cabdirashiid oo ahaa
hoggaamiye aan gaaladu jecleyn ayaa dhalay Abur ama Mulac aan wax goyn ama aan
macnaba lahayn. Runahaantii, Cabdirashiid iyo madaxdii kale ee Soomaaliya soo
martayba laguma tilmaami karo niman xaqii Alle lahaa siiyey, oo jidkii Alle
raacay dalkana ku hoggaamiyey wixii Alle ka raalliga ahaa, laakiinse waa kuwo
dhaamay kuwa hadda nool ama jooga, marka xagga dadnimada iyo qiimaha qofka la
tilmaamayo.
وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)