Warbixin:Qoor-gooyaha IS oo la ogaaday in Sanado Ka Hor uu Ku Biiri Rabay Xarakada Al Shabaab,Bilaal Albarjaawi oo ay Saaxiiba ahaayeen.

Saturday February 28, 2015 - 13:36:15
Super Admin
Warbaahinta reer galbeedka ayaa baahisay warbixino ay ku sheegtay in la aqoonsaday heybta dagaalyahanka kasoo muuqda filimadda dowladda Islaamiga ah ee lagu gowraco maxaabiista.


Shabakadaha BBC iyo Washingtonpost ayaa baahiyay in shakhsiga caanka ku ah gowraca maxaabiista reer galbeedka ee filimada kasoo muuqday isagoo wajigu u xiranyahay uu yahay Max’med Iwaazi oo ku dhashay wadanka Kuwait sanaddii 1988 balse heysta dhalashada Ingiriiska.

Max’med Imwaazi ayaa leh taariikh dahabi ah oo ku aaddan dhanka jihaadka marka loo eego niyaddiisa wanaagsan iyo isku dayo dhowr ah oo uu u sameeyay sidii uu jihaadka ugu biiri lahaa.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa shakhsigan ugu magic dartay "John Jihadi” ,wararku waxay sheegayaan in Max’med uu sirdoonka Ingiriiska muddo sanada ah kala kulmayay ciriirin iyo dabagal ku saabsan dhanka socdaalkiisa.

Sanaddii 1994 ayuu Max’med waxbarashadiisa hoose ka bilaabay magaalada London isagoona sanaddii 2009 ka qalin jebiyay jamaacadda isagoo si fiican ubartay cilmiga Kumbiyuuterka.

Sanadihii 2009-2010 ayuu Imwaazi isku dayay in uu usafro dalka soomaaliya si uu ugu biiro xarakada Shabaabul Mujaahidiin,hay’adda sirdoonka ingiriiska MI5 ayaa "John Jihaadi” ku tuhuntay in uu qeyb ka ahaa dhaliyaro muslimiin ah oo xarakada Shabaabul Mujaahidiin dhaqaale u aruuriyay isagoo dhowr mar lakulmay su’aalo weydiin uga imaanaysay laamaha qaabilsan ladagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.


Max’med Imwaazi ayaa sanaddii 2009 markii uu jamaacadda ka qalin jebiyay wuxuu u safray bariga Afrika gaar ahaan wadanka Tanzaaniya balse gacanta ayaa lagu dhigay waxaana lagu eedeeyay in uu aadi rabay soomaaliya si uu xarakada shabaabul Mujaahidiin ugu biiro.

Dagaalyahankan oo ku caabaxay gowraca maxaabiista reer galbeedka ee gacanta ugu jira IS ayaa xiriir wanaagsan lalahaa saraakiil muhaajiriin ah oo katirsanaa xarakada Al Shabaab sida Bilaal Albarjaawi oo sanaddii 2012 ku shahiiday duqeyn diyaaradaha mareykanka ka geysteen Soomaaliya.

Sanaddii 2005 ayay sirdoonka Ingiriiska su’aalo weydiiyeen Max’med Imwaazi oo ku aaddan aragtidiisa ku aaddan dagaalka Afghanistan,2006 ayaa la sheegay in "John Jihadi” uu saaxiiba la noqday dhalinyaro soomaali ah oo jihaadka Soomaaliya ka curtay ku lug lahaa iyadoona waqtigaasi dhaqaale ay iska aruurin jireen dhalinyarada jaaliyadaha muslimiinta.

Warbixinadu waxay sheegayaan in shakhsigan mujaahidka ah ee sida aadka ah ay u doon doonayaan reer galbeedka uu 2012 ku biirar dowladda islaamiga ah faraceeda suuriya oo xilligaasi ku shaqeynaysay magaca Jabhadda Al Nusrah.

Sirdoonka ingiriiska ayaa si xun ula dhaqmi jiray Max’med Imwaazi "Jhon Jihaadi”,wuxuuna ahaa shakhsi daneeya arrimaha jihaadka Soomaaliya marka loo eego isku dayadiisi ahaa in uu soomaaliya u safro iyo dhalinyaradii soomaalida ee uu la saaxibay.

Related Items

Update cookies preferences