IMBIRYAALIYADDII IYO SAHYUUNIYADDII OO QARKA U SAARAN KA LA XIRIIR FURASHO!!! (Qayabta koowaad)

Wednesday March 11, 2015 - 09:55:24
Super Admin
بسم الله الرحمن الرحيم وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين



Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Waxa taariikhdu xustaa muddo ku siman 165 sano in Sahyuuniyaddu bilaabatay amase ay la soo baxday wajiga ay maanta dunida reer Galbeedka ku haysato, wixii danahooda ka hor yimaadana ay u adeegsato Imbirtaaliyadda dunida, ee imminka u muuqata mid gabbalkeedu sii dhacayo. Sannadkii 1850kii ayaa dhidibbada loo taagay ururkii ugu horeeyey ee isu taaga danaha Sahyuuniyadda ee dunida reer Galbeedka. Ururkaana waxa la oran jiray(theProvisional Executive Committee for General Zionist Affairs), inkasta oo taariikhda qaar ay xusayso in ay Sahyuuniyaddu taabba gashay, si hagaagsanna u shaqaysay sannadkii 1912kii. Laba sano kaddib ayaa awoodda ururka Sahyuuniyaddu(theZionist Organization) soo shaax baxday, iyada oo u tafa xaydatay fulinta danaha Sahyuuniyadda.

Thomas Woodrow Wilson oo ahaa madaxweynihii 28aad ee dalka Maraykanka ayaa markii u horreysey muujiyey jaceylka iyo qaddarinta uu u hayo dadka Yuhuudda ee Yurub ku nool, isaga oo albaabada u furay soo dhaweynta dawlad ay leeyihiin dadka Yuhuudda ahi, dhulka Falastiinna laga taago, waxaana la rumeysan yahay in uu isagu ahaa ninkii dhiirri geliyey qorshihii lagu dhiirri gelinayey in Yuhuudda loogu dhiso dawlad, dhulka Falastiinna gacanta loogu gelinayo Yuhuudda. Qorshahaas oo la oran jiray Befour Declaration, uuna muhindis ka ahaa wasiir arrimo dibadeedkii dalka Ingiriiska Arthur JamesBalfoursannadkii 1917kii.

Bishii september 21keedii, sannadkii 1922kii, ayaa labada aqal ee Maraykanka looga arrimiyo(US Congress), waxa ay isku raaceen in qorshahaa Belfour la taageero, dhidibbadana loo taago dawlad ay Yuhuuddu leedahay, dadka reer Falastiinna ay ahaadaan shacab ka tirsan dawladda Yuhuudda loo sameynayo, waxaana go’aankaa loo gudbiyey ururkii baaba’ay ee ka horeeyey dagaalkii Labaad ee Yurub isku leysay, kaas oo la oran jiray Ururkii Qarammada(League of Nations).

Qorshahaan Yuhuudda dawlad loogu aas-aasayo ayaa ahaa qorshe dhibkiisa leh, dad baddana aan ka daadegi karin, laakiin Maraykanka oo isagu markaa ahaa Faraska ay Sahyuuniyaddu saaran tahay ayaa shuruudo adag kaga dhigay oggolaanshaha arrinta mid uu dagaalka Yurub u dhexeeya kaga qayb qaadan karo maaddaama uu ahaa mid xilligga xooggiisa loo baahnaa si Odolf Hitler looga adkaado, fikraddii Naazigana loo xakameeyo. Fikradda Naaziga oo la dareensanaa in xooggeedu ku wajahan yahay Yuhuudda Yurub joogta oo dhaqaalihii iyo aqoonatii Yurubba gacanta ku dhigtay. Bishii May sannadkii 1942kii Sahyuuniyaddu waxa ay ka guurtay siyaasaddii ahayd in ay tahay bulsho rayid ah ama mid dhaqameed, waxa ayna isu rogtay mid siyaasadeed, oo qaab dawli ah u abaabulan, waxa ay shirkii ugu horreeyeyna ku qabsadeen magaalada Baltimore ee gobolka North Carolina, ee carrigga Maraykanka, kulankaasna waxa loogu magac darey theBiltmore Conference, waxaana lagu go’aamiyey in cagaha loo taago dawlad Yuhuuddu leedahay, dhulka hadda Falastiin loo yaqaanna uu yahay dhul Yuhuuddu leedahay, oo ah dhulkii Qaranka Yuhuudda(Jewish national home).


وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

Related Items

Update cookies preferences