Maxay tahay sababta dadka qaar iyaga oo sheeganaaya in ay muslimiin yihiin ay u diidaan ku dhaqanka sharciga Alle.

Saturday September 24, 2016 - 18:31:07
Super Admin
بسم الله الرحمن الرحيم


 
Hordhac

Aniga maahi ruux aqoon farabadan diinta islaamka u leh laakin waxaa igu riixay mowduucaan in aan la wadaago bulshada muslimiinta ah maalin maalmaha ka mida ayaan dhagaystay nin laga waraysanaayo shirka lagu kala qaybinaayo dadka musliminta ah ninka la waraysanayo waa nin garwadeen ka ah shirka kala qaybinta su’aalihi la waydiiyay ayaa waxaa ku jirtay shirka Hiiraan iyo Sh/dhexe la iskuma raacin ee ka waran adinkana hadda waxaa furaysaan shir? ninkii la waraysanaayay ayaa ku jawaabay soomali towxiidkii ayay isku raaci waysay cidii ka soo qayb gali wayso waa laga tagaa.

waxaa jirta in mantay dad badan oo u nasab sheeganaayo diinta islaamka hadana in ay diidan yihiin ku dhaqankeeda in taas kaliye kuma ikaysane waxa ay ku darsadeen in ay la dagaalamaan dadka umada ugu yeeraaya isku xukunka shareecada islaamka taasoo aduun iyo aaqiro cidii raacda ay ku badbaadayso hadaba waxaa iswaydiin mudan hadii ay doorteen in muslimiin ahaadaan maxay uga soo horjeesteen hirgalinta ku dhaqanka shareecada islaamk?.

Insaanka waxyaaba farabadan ayaa ku riixa in uu ka soo horjeesto ku dhaqanka shareecada islaamka balse waxaa ka soo qaadanaynaa Insha Allah 2da arimood ee ugu wayn.

يقول الله تبارك وتعالى

نجعلها للذين لا يريدون علوا في الأرض ولا فسادا والعاقبة للمتقين 83 تلك الدار الآخرة


1. Madaxtinimo Jacayl : madax farabadan ayaa ku dhaqanka shareecada diidaayagoo ka cabsanaayo in ay waayaan xukunkooda baadilka ku dhisan madaama xaq iyo baadin ay iska soo horjeedan sidaas daraadeed waxa ay la dagaalaman dadka u guntaday in shareecada Allah ay hirgasho sirta ku jirtana waxa tahay xukunka baadilka ah oo ay madxda ka yihiin waxaa uu u ogalaanayaa in dadka ay madaxda u yihiin ka sareeyaan lakin xukinka shareecada qofkii madax ka noqda xitaa dadka kale mid ah ayuu noqdaa marka hadii xitaa loo bandhigo in sharciga Alle ay dadka ku hogaamiyaan ogaamaayaan maxaa yeelay waxa ay waynayaan sarayntii ay shiigan jireen.

2. fasahaad jecli: waxaa jirta dadbadan oo shareecada u nacay xumaan jecli dadka aan ka hadlayno waa kuwa raba in ay zinaystaan ama noqdaan qowmo luud IWL.qoladaan dhanqankooda ayaa waxaa diiday shareecada islaamka sidaas daraadeed ay iyaguna karaahsadeed hirgalinta shareecada islaamka madaama shareecadu kuwaas ay u samaysay xuduud.

W/QDr Abu-Hanan Al-umari

E-mail:[email protected]


Related Items

Update cookies preferences