Isbar-bardhig Ku Saabsan Farmaajo iyo Siyaad Barre (Maqaal).

Sunday February 12, 2017 - 17:56:09
Super Admin
Allaah Baa Mahad leh. Ammaan Iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed Korkiisa Ha Ahaato!


Markii usbuucii lasoo dhaafay madaxweynaha DF loo doortay Maxamad Cabdullaahi Farmaaj, waxaan war baahinta qaar ka daalacday dad siyaasiyiin u nasab sheegta oo tilmaamaya inuu yahay nin wadani ah mudan in loo sacba tumo, sidaa darteed ayaan u dhabba galay iney dhab tahay arrintaas iyo in kale, waxaana jeclahay inaan is barbardhig ku sameeyo isaga iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamad Siyaad Barre.

Siyaad Barre wuxuu ahaa madaxweyne aaminsan mabda’a Shuuciyadda isagoo marar badan ku xad gudbay diinta islaamka, laakin dhanka kale wuxuu ahaa wadani iskala weyn inuu qaato jinsiyad shisheeye, halka Farmaajo uu yahay nin Dimuqraadiyadi ah islamarkaana heysta dhalashada Mareykanka.

Siyaad wuxuu ahaa nin aqoon wanaagsan u leh dhanka milatariga iyadoo la xusuusto inuu dalka ku qabsaday af-gambi aan dhiig ku daadan, wuxuu ahaa hogaamiyaha ciidan awood leh oo darsi lama illaawaan ah u dhigay Itoobiya, halka Farmaajo ay garab u yihiin Itoobiyaankaas iyo shisheeye kale.

Hadalada taariikhiga ah ee laga hayo Maxamad Siyaad Barre ayaa waxaa kamid ah: "Calan kaliya oo meel ka lushaahi lama yiraahod gumeysi, gumeysigu wuxuu ku fadhiyaa dhaqaalaha, wuxuu ku fadhiyaa mabaadi’da in lagaa dilo, waxaan idin leeyahay Soomaaliyey aan difaacano dalkeena”.

Geesta kale hadalada taariikhiga ah ee laga hayo Farmaajo ayaa waxaa kamid ah in markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa uu yiri’ "Dagaalka aan Muqdisho ka wadno waxaan ku difaacaynaa shacabka magaalada New York.

Siyaad wuxuu ahaa nin iskala weyn madaxda Itoobiya, wuxuu si gaar ah uga faani jiray inuu qaabilo dadka aan isaga u dhigmin, halka Farmaajo uu kulankiisii ugu horeeyay la qaatay General Gabre oo ah dib lumaasi ay darajadiisu hooseyso, kuna caan baxay hagar-daamada ummada Soomaaliyeed.

Madaxweynihii dowladii Kacaanka wuxuu wadamo shisheeye u diiday iney qaataan bacaadkii Shalaambood, isagoo ku yiri’ "wuxuu anfici doonaa jiilkeena dambe” laakin Farmaajo ayaa xilligii uu ra’iisul wasaaraha ahaa dalka soo galiyay shirkado calooshood ushaqeystayaal ah oo ay Saracen kamid tahay, kuwaasoo boob ku haya kheyraadka wadanka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa nin aanan isku dulleyn shisheeyaha, hase ahaatee Farmaajo ayay taariikhdu daabacday in madaxweynaha Uganda uu ka casilay xilkii ra’iisulwasaaraha ee uu ka hayay DKMG ee Shariif.

Halkan waxaa laga fahmi karaa inaanu wadani ahayn Farmaajo, kana fog yahay madaxweynihii hore ee dalka Maxamad Siyaad Barre.

Farmaajo ayaa waxaa ku hor gudboon caqabado badan oo ay ka gudbi waayeen madaxweynayaashii isaga ka horreeyay iyo ciidamada shisheeye ee wadanka kusoo duulay, wuxuuna ku dambeyn doonaa fashil iyo qoomamo.

{إِنَّ اللَّهَ لا يُصْلِحُ عَمَلَ الْمُفْسِدِينَ}


W/D Ridwaan Hassan Ali

Related Items

Update cookies preferences