FARMAAJO Halloo Sheego Al-Shabaab Ma Ahan Al-Shabaabkii 2010! W/Q Warfaa Kheyrdoon.

Thursday April 06, 2017 - 21:06:10
Super Admin
Farmaajo ayaa dereeska Melleteriga kusoo labistay
Farmaajo ayaa dereeska Melleteriga kusoo labistay
Sanaddii 2008 Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa isagoo xilka kasii degaya wuxuu magaalada Baydhabo ka sheegay in ciidamada 'Qaranka' wax uu ugu yeeray ay waqti aan dheerayn Al Shabaab ka saari doonaan dalka Soomaaliya.


Xilligaas Al Shabaab iyagoo carcar qaba ayay habeen walba waxay dagaallo kusoo qaadayeen magaalada Baydhabo waxayna si gaar ah ula wareegi jireen xaafado ay kamid yihiin Suuqa xoolaha iyo Cunaaye illaa markii dambe ay magaalada wada qabsadeen ayna muddo sanada ah maamulayeen.

Markii Cabdullaahi Yuusuf meesha ka baxay oo Hoggaanka Dowladda Federaalka uu qabtay Shariif Sheekh Axmed wuxuu qaaday wadadii Col.Yuusuf isagoo afka labadii yeeray kuna dhawaaqay in  Al Shabaab oo uu Argagaxiso ku sifeeyay uu dalka ka saarayo.

Cumar C/Rashiid iyo Cabdi Wali Gaas oo xukuumaddii  Shariif  R/wasaarayaal kasoo noqday ayaa labaduba ku hanjabay in 300 oo maalmood ay kusoo gaba gabeynayaan Xarakada Al Shabaab.

Waa duul taangi shisheeye ku hoos gabanaya oo dad xur ah ugu Hanjabaya baabi'in iyo xabsi gelin!

Soomaalidu "waxay ku hal qabsataa doqoni dibir kama daasho”, eraygaas ayuu afku soo boobaa markii la arko qof  tabar daran oo hadane dagaal udurbaan tumanaya!.


Dhammaan Madaxdii soo martay dowladda Federaalka oo uu ugu dambeeyay Xasan Gurguurte waxay ku hanjabayeen in ay Cagta marinayaan Argagaxiso oo ay ula jeedaan xoogaga islaamiga ah ee Jihaadka ka wada dalka.

Ninkii ugu doqonsanaa ee soo maray Dowladda Federaalka uguna dabadhilifsanaa wuxuu ahaa Xasan  Sheekh Maxamuud sidaas waxaa isku raacsan indheer garadka Soomaalida marka loo eego sida uu dalka ugacan geliyay iyo dadnimo xumidiisa oo lagu daray baratakoolkii khaldanaa ee uu ku dhaqmayay.

Markale Farmaajo oo dad badani ku hadaaqeen in uu dhaamo Madaxdii soo martay dowlada Federaalka ayaa maray wadadii ay mareen saaxiibadiis wuxuuna ku hadaaqay erayo lagu raalli gelinayo reer galbeedka balse sumcaddiisa dhaawici doono waaba hadduu sumcad leeyahaye.

Farmaajo oo soo xirtay dareeska Melleteriga ayaa ku dhawaaqay dagaal furan oo ka dhan ah xarakada Shabaabul Mujaahidiin, isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu ciidamada iyo saraakiisha xarakada u qabtay in 60 maalmood ay iskusoo dhiibaan!.

"Waxaan sidoo kale cafis u fidinayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku shaqeeya fikrika khaldan ee xaqjirnimada ah. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan, Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan” sidaas waxaa yiri Farmaajo.

Marka si qota dheer loo eego xilkasnimo xumida iyo ka fiirsasha la'aanta erayada iska tuurka ah dhammaan hoggaamiyaashii dowladda soo maray waxay yimideen Al Shabaab oo dalka ka dagaallamaya waxayna xilalka ka degeen Shabaab oo shisheeyaha la halgamaya, mid walba marka uu kursiga soo fuulo ayuu beesha caalamka ku afgubaadsadaa 'Argagaxisa ladirir' oo ah mashruuc aysan wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

Soomaalidu marka ay arkaan qof ku noq noqonaya khaladaad uu horay u sameeyay ayay durbadiiba lasoo boodaan "ilaawsha dhawaa ma umulbaa", ixtiraam iyo qadarin ayay naga mudanyihiin hooyooyinka balse waxaan ugu hal qabsaday doqonimada madaxda Federaalka shisheeye kalkaalka ah.

Farmaajo haloo sheego in shabaabka hadda jooga uuusan aheyn shabaabkii uu yaqiin sanaddii 2010 markii uu R/wasaaraha ahaa, Farmaajo hadda wuxuu noolyahay Shabaab oo udaadanaya Saldhigyada Melleteriga AMISOM islamarkaana soo gaba gabaynaya.

Farmaajo halloo sheego in Shabaabka hadda jira sanad walba ay ku habsadaan ugu yaraan saldhig oo ay yaallaan Taangiyo casri ah sida Weeraradii Ceelcadde,Janaale,Halgan iyo Leego.

Sida Muuqata Farmaajo wuxuu Ku Hanjabayaa Xaniinyo uusan laheyn.. dabcan waa xaniinyahay ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo Itoobiya oo qudhooda bilihii lasoo dhaafay isaga cararayay magaalooyin muhiim ah ..Soomaalidu waxay dhahdaa Meyd waxaa ugu dambeeyay midkaas lasii wado, guuldarrooyinkii ugu dambeeyay ee shisheeyaha gaaray wuxuu ahaa dib uqabsashadii muslimiinta ee magaalada Ceelbuur.

Dadka qaar ayaa aaminsan in warka Farmaajo kasoo yeeray uu yahay mid boor isku qaris ah oo uu ku doonayo in uu qariyo fashilka maamulkiisa ucaal waayay ka hortagga qaraxyada iyo dilalka joogtada ka noqday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Musiibada jirta ayaa ah madaxda DF-ka waxay aaminsanyihiin in Soomaalidu aysan laheyn cadaw aan aheyn Xarakada Al Shabaab, Dowladda Federaalka waxaa sokeeye iyo xigta u ah Itoobiya iyo israa'iil oo la ogyahay cadaawadda ay u hayaan muslimiinta.

60 Maalmood oo uu Farmaajo madaxweyne u yahay dowladda Federaalka waxaa Muqdisho lagu dilay ku dhawaad 100 qof oo askar iyo saraakiil sarsare kamid yihiin iyadoo ay dhaceen weeraro lagusoo gaba gabeeyay saldhigyo ay lahaayeen ciidamo shisheeye sida weerarkii Kulbiyoow.


W/Q Warfaa Kheyrdoon
Qoraa Madax Banaan

FG: Fikradda Maqaalka waxay u gaartahay Qoraaga
SomaliMeMo looma tiirin karo

Related Items

Update cookies preferences