Farmaajo dhiigga Soomaaliduu Cadaawaha ugu dhawaanayaa W/Q Cabdullaahi Soomaali.

Thursday August 31, 2017 - 17:29:58
Super Admin
Hanfade iyo war mooge yeelkooda intii waxa garad ah horay bay u ogaayeen in farmaajo yahay adeegaha gumeystayaasha soomaaliya ku soo duulay ee u haliiliya dhiigga muwaadiniinta iyo in ay dalka la wareegaan wixii soo harana ka dhigtaan xaaabo ay dabka ku shitaan.


Farmaajo sow mahan ninkii markii uu ra’iisalwasaaraha ahaa todobo sano ka hor "dagaalka aan muqdisho ugua jiro waa mid aan maraykanka ku difaacayo”?

Kol hadduu isu aaminsan yahay askeri maraykan ah oo danaha qarankaas muqdisho ka fulinayo sidee baan ku oran karnaa waa madaxweyne soomaaliyeed?

Hadda farmaajo waxa uu bilaabay shaqadii hogaamiye kooxeedyadu qaba jireen dhowr iyo toban sano ka hor oo ahayd in muwaadiiniinta soomaaliyeed cadawgu ku raad jooga iyagoo nool loo dhiibo, si hadduu doono uu u gowraco haddii kalena xabsiyada ugu ciqaabo.


Si dowladda Itoobiya raali uga noqoto uguna aqoonsato adeege ma xishoode ah oo la mid ah cabdi maxamuud cumar (ina iley) oo ah madaxweynaha maamulka itoobiya ka dhistay dhulka somaaliyeed ee ay horay u haysatay farmaajo waxa uu bilaabay inuu u dhiibo muwaadiniinnta soomaaliyeed ee gumeysigeeda foosha xun ka soo horjeeda.

Cabdikariim sheekh muuse oo loo yaqaan qalbi dhagax kana tirsanaa saraakiisha jabhadda ONLF waxaa laga qafaalay gudaha soomaaliya waxaana farmaajo ku hubsaday gacanta maamulka tigreega ee itoobiya ka arrimaya waxaanuu wajahayaa xaalad murugo iyo xanuun leh, dad badan oo somaaliyeed ayaana tilaabada cadawga loogu dhimay aad uga xumaaday.

ONFL waa jabhad soomaali ah oo u dagaalameysa in dhulka soomaali galbeeed ka xoroobo kana hoos baxa gumeysiga ku ilma dhalay ee Itoobiya kaasoo xasuuqyo ba’an umadda halkaa ku dhaqan u geystay.

Itoobiya waxay si kal iyo laab ah ugu mahad celisay shaqada madaxweyne dowladda federaalka ah (farmaajo), ra’iisalwasaare xasan cali khayre, taliyaha nabadu sugidda cabdulaahi-sanbaloolshe, xildhibaan mustaf dhuxuloow iyo madaxweynaha jubba land axmed madoobe u qabteen.

Janaraal gabre oo madaxda Itoobiya iyo madaxda urur gobaleedak IGAD ka tirsan siyaasadda soomaaliyana lug weyn ku leh ayaa xaqiijiyay nimanka magacyadoodu kor ku xusan yihiin in ay kala shaqeeyeen soo qabashada cabdi-kariim qalbi dhagax.

Image may contain: 3 people, people smiling, text
Somaalidu waxay tiraahdaa ninkii qayrkii loo xiirow adiguan soo qoyso, sidaa daraadeed tani waxay ka markhaati kaceysaa in qof waliba oo dhiig bartii leh kana dhiidhiya danaha gurracan ee gumeystaha uu farmaajo soo qabanayo haddii qofkaasi ku sugan yahay meel maamulkiisa ama mid hoos taga ama mid ay wada shaqeyn leeyihiinu ka arimayo.

Intaa waxaa dheer in faarmaajo kaalin weyn ku leeyahay xasuuqyada shisheeyuhu ka geysto gudaha soomaaliya gaar ahaana kuwa maraykanku ka wado.

Dhawaan deegaanka bariire ee gobalka shabeelaha hoose ciidamada maraykanka oo kaashanaya kuwa dowladda federaalka ayaa ku dilay toban ruux oo beeraley ah oo uu ku jiro nin caan ah oo la yiraahdo cali waay isla markaana dowladda farmaajo hormuudka u yahay waxay sheegtay in dadka la laayay ka tirsan yihiin xarakada alshabaab ee la dagaalameysa shisheeyaha iyo inta la socata.

Inkastoo alshabaab qudhoodu muwaadiniin yihiin hadana ujeedada ayaa ahayd in laga raad gato shacabka la xasuuqay umaddana laga raarido in waxa ay dileeni yihiin qaar ka mid ah ragii la dagaalamayay.

Weerar kaas wax yar ka horeeyay o maraykanku ka geystay duleedka degmada jilib ee gobalka jubada dhexe waxaa lagu dilay 7 ruux oo beeraley ah ayna ku jiraan hooyo iyo aabbe waayeelo ah.

Farmaajo war uu soo saaray waxa uu ku sheegay in asiga ogolaashiisa dadkaas lagu xasuuqay, asigoo ku dooday in ay alshabaab ka tirsanaayeen.

Arinta muujineysa cadawtooyada iyo arxan la’aanta farmaajo waxaa weeye tilaabadii uu qaaday dorraad (29 08 2017) taasoo ahayd in uu dalxiis iyo dmaashaad u tegay xeebta liido ee magaalada muqdisho xilli meydadka dadkii asig maraykanku ku xasuuqeen shaeebalaha hoose aan weli la aasin oo ay farinjeero ku jiraan.

Waxaa la arkayay asiga oo banooni ciyaaraya oo dhoola cadeynaya oo farxad saa’id ah wejigiisa ka muuqato umana ekeyn nin jooga meel haba yaraatee wax dhibaato ah ay jiraan.
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 14 people, people smiling, people standing and outdoor
Hadaanu nahay dadka somaaliyeed arintaas waxaanu u arkeynaa "waa idin dilay waana idinku diganayaa hadaad iga aar guda lahaydeena waxaa igu meersan taangiyo iyo ciidamo shisheeye”

Ugu dambeyn ninkii farmaajo moodayay wadani damiir iyo iyo soomaalinimo ku jirtoow laf cad baad toobin mudda ku haysaye ku quus qaado ficiladiisa gurran ee bahalnimada ah

soomaaliyeey qofkii asigoo xog ogaal u ah waxa uu famraajo ku kacay hadana taageeraya ee aad aragtaan waxaad ogaataan in aanuu asiga ka rooneyn laakiin awoodduu umadda ku gumaadi lahaa cadawgeedana ugu gacan geli lahaa aanuu weli yeelan.

W/Q  wariye Cabdulaahi Soomaali

Related Items

Update cookies preferences